Muwaadin Soomaali Ah Oo Malta Ku Dilay Nin Heystay Dhalasho Kale

0
Tuesday December 03, 2019 - 21:00:51 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Ah Oo Malta Ku Dilay Nin Heystay Dhalasho Kale

    Muwaadin Soomaali oo qaxooti ku ah Malta ayaa Nin u dhashay dalka Eritrea ku dilay Jesiiradda Malta Abaarihii 11:30 Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ee la soo dhaaafay. Hadal-qoraal oo Booliska ka soo baxay maalintii Sabtida ee laa soo dhaafay ayey k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Soomaali oo qaxooti ku ah Malta ayaa Nin u dhashay dalka Eritrea ku dilay Jesiiradda Malta Abaarihii 11:30 Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ee la soo dhaaafay. Hadal-qoraal oo Booliska ka soo baxay maalintii Sabtida ee laa soo dhaafay ayey ku sheegeen in lagu soo wargeliyey in Ninkaasi lagu dilay Deegaanka TIRIQ DICEMBRU TLETTAX ee Xeradda Qaxootiga ee Furan ee Marsa ee dalkaasi. Booliska waxay magaca Ninka Soomaaaliga ku sheegeen Keynaan C/Naasir oo 23-jir ah, kaasi oo loo haystay dilka Muwaadin u dhashay dalka Eriteria, oo la oran jirey Bakri Bashiirr oo 23-jir ahaa. Eedeysanaha Soomaaliga waxaa la sheegay inuu dhowr jeer maqas kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka Marxumka, taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo dhaawac Culus oo soo gaaray. Qareenka u doodayey Eedeysanaha Kaynaan C/naasir waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuusan codsan doonin in Eedeysanaha damiin lagu sii daayo.Dhinaca kale, Eedeysanaha waxaa la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna beeniyey dembigii uu ku soo oogay Garsoorihii Maxkamadda oo lagu magacaabo JOSETTE DEMICOL. Saddex Alifle ka tirsan Dembi-baarista Boliska gacanta ku hayey Kiiskaasi oo lagu magacaabo Isbatoore James Grech waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha horey u galay dembiyo kale, balse, haatan loo haysto dilka Nin u dhashay dalka Eriteria. Boliska Malta waxaa baaritaanka Kiiskaasi gacan ka siiyey Nin u dhashay Suudaan, iyadoo ay Boliska u fududaatay inay gacanta ku soo dhigaan Kaynaan C/Naasir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip