Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta Si Rasmi ah uga Furmay Magaalada New York

0
Monday September 28, 2015 - 21:43:33 in Wararka by
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta Si Rasmi ah uga Furmay Magaalada New York

    Shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Magaalada New York ee waddanka Mareykanka, waxaana ka Qayb-galaya in ka badan 193 Hoggaamiye oo ka kala Socda Calaamka oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Magaalada New York ee waddanka Mareykanka, waxaana ka Qayb-galaya in ka badan 193 Hoggaamiye oo ka kala Socda Calaamka oo dhan.
Qodobbada looga hadli doono Shirweyaha Sanadkan 2015-ka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ah; Horumarinta Caalamka, isbedelka cimilada, ka hortagga midab-takoorka iyo ajnabi nacaybka iyo qodobbo kale oo fara badan.

Isbedelka cilimmada ayaa ka mid yahay Qodobbada la doonayo in Sannadkan si aad ah ay uga doodaan hoggaamiyeyaasha caalamka, iyadoo la qorsheynayo in go’aan mideysan laga gaaro.

Sidoo kale, Waxaa Shirka Sannadkan looga hadli doonaa 169 Ajande, waxaana ka mid ah Ajandayaasha laga hadlayo sidii Caalamka oo dhan looga Cirib-tiri lahaa faqriga, xoojinta xasilloonida caalamka iyo sidoo loo horumarin lahaa waxbarashada caalamka 15-ka sano ee soo socoda.



Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa Kulankaan ka jeedin doona Warbixintii Sannadlaha ah ee Wax-qabadka Golaha, iyadoo shirwenaha sannadkan uu shir-guddoomin doono, Mogens Lykketoft oo u Dhashay Dalka Denmark, wuxuuna ka jeediyay shirka Khudbaddii Furitaanka.

Hogaamiyeyaasha Maanta ka Hadli doono Shirka Waxaa ka mid ah; Madaxweynayaasha Ruushka, Mareykanka, Brazil, Farasiinka iyo kuwo kale, iyagoo ka hadli doona Qorshaha Horumarka Qaramada Midoobay ee Sannadka 2030-ka iyo weliba arrimo ay ka mid yihiin Argagaxisada iyo dagaallada ka socda dalal ka mid ah kuwa caalamka.

Dhanka kale, Xubnaha ka hadli doona shirka ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha DFS Xasan Sh. Maxamuud, Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni iyo Madax kale oo Caalamka ka socda.

Ugu dambeyn, Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay oo hadda socda ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo khudbadii uu jeediyaykusoo qaatay colaadaha ka taagan caalamka, sida dagaalka Suuriya. Isagoo xusay in dalkiisu uu sii wadi doono la dagaalanka kooxaha Argagaxisada ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip