Sawirro:-Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

0
Monday December 02, 2019 - 21:37:32 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

    Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska xeer Ilaalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore, kaddib munaasabad lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Cadaaladda, Taliye ku-xigeennada Booliska iyo Asluubta iyo marti sharaf kale. Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muddo lix sano ah uu ka shaqeynayay xafiiska, maantana uu ku faraxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo Garyaqaan Suleymaan oo uu ku sifeeyay in uu yahay shaqsi aqoon u leh howshan. "Laakiin waxa aan ugu faraxsanahay waxa weeye xafiiska oo aan ku qanacsanahay meesha uu maanta taaganyahay iyo Qofka aan ku wareejinayo asagana aan ku qanacsanahay aqoontiisa, kartidiisa, aadaabtiisa, aqlaaqdiisa, Diintiisa inay is waafaqi karaanoo aan ka gam'i karo sidaas ayaan ugu faraxsanahay" ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir . Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu horeyn loo dhaariyay xilka xafiiska, waxaana uu balan qaaday in qofkasta oo Soomaaliyeed uu ku qanci doono howsha xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.Dr Axmed Cali Daahir ayaa kula dar daarmay howlwadeenada xafiiska xeer Ilaalinta Qaranka inay si hufan oo daacad ah ula shaqeeyaan mas'uulka cusub, isagoo xafis ka dalbaday dhamaan howlwadeenanada xeer ilaalinta. "Waxaan rajeynayaa inaan gaarno in qofka Soomaaliga uu ku kalsoonaado shaqada loo qabanayo, daacadnimo iyo hufaan inay meeshan ka jirtana dadku ka marqaati kacaan, qofkii macaahiirtaa ka dhex baxa oo ku shaqeyn waaya, asna waxaan filaaya inuusan reerkeena ka mid ahaaneynin oo ka dhex bixi doona".ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xusay in uu xoogga saari doono sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta howlwadeenada xeer ilaalinta Qaranka.

     




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip