Soomaaliland oo ka hadashay weerarkii Ceerigaabo

0
Monday December 02, 2019 - 21:35:38 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland oo ka hadashay weerarkii Ceerigaabo

    Taliyaha Qeybta Booliska Soomaaliland ee Gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay inay iska difaaceen raggii soo weeraray,isla markaana wax khasaaro ah ka dhalan dagaalkii ka dhacay Magaalada Ceerigaabo. Waxaa uu ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qeybta Booliska Soomaaliland ee Gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay inay iska difaaceen raggii soo weeraray,isla markaana wax khasaaro ah ka dhalan dagaalkii ka dhacay Magaalada Ceerigaabo. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay baaritaan ku sameynayaan dadkii ka dambeeyey weerarkaas oo la sheegay inay ahaayeen Ciidamada Korneyl Caare oo mar kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland balse uu kasoo horjeestay Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Korneyl Siciid Cawil Jaamac Caare ayaa waxaa Ciidamo farabadan uu ku heestaa duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,iyaga oo weeraro ku qaado Saldhigyada Ciidamada Soomaaliland ee Gobolkaasi Sanaag. Xalay saqdii dhexe ayaa rag hubeysan oo la sheegay inay ka amar qaataan Korneyl Caare oo siweyn uga soo horjeeda Soomaaliland waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Soomaaliland ee Magalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Dagalkaas ayaa la sheegay in uu socday in ka badan halsaac,isla markaana uu dhexmaray Ciidamada Booliska ee ku sugan.Saldhiga iyo kooxihii soo weeraray,waxaana weerarkaas ka hadlay Soomaaliland.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip