Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

0
Monday December 02, 2019 - 11:15:32 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta la filayaa inay gaaraan Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ,kuwaas oo qorsuhu ahaa in Sabtidii todobaadkaan in la xareeyo,balse ay dib u dhacday. Odayaasha oo ka kala imaanaya deegaanno badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta la filayaa inay gaaraan Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ,kuwaas oo qorsuhu ahaa in Sabtidii todobaadkaan in la xareeyo,balse ay dib u dhacday. Odayaasha oo ka kala imaanaya deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug iyo Muqdisho ayaa la filayaa in la xareeyo Todobaadkaan gudihiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha saxiixayaasha ah ee laga sugayo Dhuusamareeb ayaa qaarkood waxaa ay halkaasi ku tegi doonaan Safaro dhulka ah sida Odayaasha la tegaya dhinaca Gobolka Mudug.

Shalay ayaa waxaa lagu dhawaaqay in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii doorashada Galmudug si wada-hadal loola furo hoggaanka Ahlusunna uu saluugsan sida ay dowladda u wajaheyso dhismaha Galmudug.

Sidoo kale wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ku wajahan yihiin wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya xalinta tabashada hoggaanka Ahlusunna.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa aad loo adkeeyey, iyada oo Ciidamada kala duwan ee Dowladda ay siweyn u adkeeynayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip