Howlaha doorashooyinka Galmudug oo dib loo dhigay

0
Sunday December 01, 2019 - 14:35:19 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlaha doorashooyinka Galmudug oo dib loo dhigay

    Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlaha doorashada Galmudug ee ka socday Magaaladaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlaha doorashada Galmudug ee ka socday Magaaladaas.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay,kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug.

 

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ahna xiriiriyaha dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug.

 

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa dhowr jeer waxaa ay gaareen heshiis ku saabsan dhismaha Galmudug,hayeeshee Ahlusunna ay sheegtay in dowladda aysan fulin heshiisyadaas,waxaana jira hjaatan khilaaf u dhaxeeya hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda federaalka.

 

Waxyaabaha ugu weyn ee dowladda iyo Ahlusunna ay isku khilaafsan yihiin ayaa waxaa kamid ah in hoggaanka Ahlusunna ay doonayaan in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo 35 Xubnood,balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlusunna Baarlamaanka laga siiyo 15 Xubnood




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip