Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gudbisay liiska saxiixayaasha Galmudug

0
Friday November 29, 2019 - 20:32:53 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gudbisay liiska saxiixayaasha Galmudug

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda howlo loogu diyaar garoobayo doorashooynka Maamulka Galmudug,sida xulista Baarlamaanka iyo doorashada Guddooomiyaha, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Wasaarada Arimaha guddaha ayaa Gudigg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda howlo loogu diyaar garoobayo doorashooynka Maamulka Galmudug,sida xulista Baarlamaanka iyo doorashada Guddooomiyaha, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Wasaarada Arimaha guddaha ayaa Gudigga doorashooyinka u gudbisey liiska Saxiixayaasha oo ka kooban 43 Xubnood, kuwaas oo ahaa saxiixayaashii soo dhisey maamulka Galmudug , iyada oo ay socdaan kala habeynta iyo diyaarinta qorshaha odayaasha. Maalinta berito oo Sabti ah ayaa la filayaa in la xareeyo Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,isla markaana Caawa la dhameystiro aqoonsiyada madasha shirka, maadaama barito uu furmayo. Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyey Amniga Magaalada Dhuusamareeb,waxaana saacadihii la soo dhaafay kulamo xasaasi ah oo amniga looga hadlayay yeelanayay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda & kuwa Galmudug eek u sugan Magaalada Dhuusamareeb. Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 23-ka Bisha soo socota ee December,waxaana xusid mudan in hoggaanka Ahlusunna ay saluugsan yihiin habka ay dowladda Federaalka u wado dhismaha Galmudug.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip