Farmaajo oo gaaray Addis Ababa iyo qorshaha socdaalkiisa

0
Thursday November 28, 2019 - 22:44:32 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo gaaray Addis Ababa iyo qorshaha socdaalkiisa

    Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu berri ka ka furmayo shir-madaxeedka 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu berri ka ka furmayo shir-madaxeedka 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa haatan ka dhex taagan madmadow dhanka hoggaanka ah, waxuuna khilaafka ugu badan ka jiraa Xoghayaha ururka oo uu la tashi la'aan ku magacaabay guddoomiyaha Ururka ahna Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xubin ka ah ururka ayaa doonayey in xilkani meerto noqdo, si markooda uu ugu soo aado, balse ma dhicin. Dowladd Soomaaliya ayaa sida la sheegay shirkaas la tagaysa soo jeedinta qorsheyaal lagu taabo gelin karo dib u habeynta IGAD si dalalka xubnaha ka ah ay si siman uga faa'iideystaan, lagana dhigo Urur Goboleed ahmiyaddiisa koowaad ay tahay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Gobolka.

     




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip