Maamulka G/Banaadir oo ka shiray Wadooyinka burbursan

0
Thursday November 28, 2019 - 21:27:25 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo ka shiray Wadooyinka burbursan

    Guddoomiye kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa shir guddooomiyey kulan lagu soo bandhigayay daraasad la xiriirta dayactirka Wadooyinka & biyo mareenada. Isaga oo Warbaahinta la hadlayay Guddoomiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa shir guddooomiyey kulan lagu soo bandhigayay daraasad la xiriirta dayactirka Wadooyinka & biyo mareenada. Isaga oo Warbaahinta la hadlayay Guddoomiye kuxigeenka ayuu bogaadiyay Daraasadan qaabka loo diyaariyay iyo sida loo soo bandhigay, sidoo kale waxa uu sheegay in ay si wadajir ahay iskaagashanayaan World Bank iyo Maamulka Gobolka Banadir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dardar gelinayo daraasadan si ay uga mid noqdaan dadaalada ka socda Caasimadda dadaal kaasi oo ku saabsan dib u dayactirka wadooyinka waa weyn ee Caasimadda iyo biyo mareenada.

Wadooyionka ugu muhiimsan Magaalada muqdisho qaarkood ayaa ku burburay roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magaalada muqdisho, iyada oo biyo mareenada qaar ay sidoo kale burbureen.

Shalay ayaa waxaa Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho ay baahisay Sawiro iyo Muuqaalo ku saabsan wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda oo uu burburiyey Roobkii ka da’ayay Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip