Waxgarad, Culummo iyo Cuqaal ku baaqay in la joojiyo Colaadaha Qoriley iyo Jalam (SAWIRRO)

0
Monday September 28, 2015 - 20:21:24 in Wararka by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgarad, Culummo iyo Cuqaal ku baaqay in la joojiyo Colaadaha Qoriley iyo Jalam (SAWIRRO)

    Culumada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa Baaq nabadeed u dirtay Dhinacyada ku Dagaallamaya Deegaanada Qorilay iyo Jalam oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culumada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa Baaq nabadeed u dirtay Dhinacyada ku Dagaallamaya Deegaanada Qorilay iyo Jalam oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Nugaal.
Mashaa’ikhda Gobolka Sool oo uu ugu horreeyo Sheekh C/naasir Xaaji Axmed ayaa ugu baaqay dadka Walaalhaa ah ee ku Dagaallamaaya Qorilay iyo Tuulo Jalam in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan xiisadaha colaadeed ee ka aloosan Deegaannadaas.


thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
Sidoo kale, Culummada ayaa in badan ku Cel-celiyay dhibaatada Colaadaha Hadda jira ka dhalan kara ay aad u kordhi karto haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojin.

Dhanka Culummada, Cuqaasha iyo Wax-garadka Gobolka Sool ayaa ku Dhaliilay Oday-Dhaqameedka Dhinacyada ay ColaadduDhex-martay inaysan wax Gogol Nabadeed ah u dhigin, Waxayna ku boorriyeen inay u guntadaan sidii colaadda loo dhameyn lahaa.

Waxaa xusid mudan in muddooyinkii u dambeeyay ya khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh ay labada dhinac kasoo gaadheen colaad guun ah oo dib u soo if-baxday Todobaad aynu soo dhaafnay taasi oo lagu jabiyay xabad joojin mudo sanad iyo badh dhex taalay beelahani.

Ugu dambeyn, Waxaa jira baaqyo Nabadeed oo Muddooyinkii u dambeeyay loo dirayay labadan beelood si ay u joojiyaan colaada faraha ka baxday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip