Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Halyeey Pele Oo La Weydiiyay Xiddiga Haatan Ciyaara Ee Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro

0
Thursday November 14, 2019 - 19:08:38 in Wararka by
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Halyeey Pele Oo La Weydiiyay Xiddiga Haatan Ciyaara Ee Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro

    Halyeeyga kubadda cagta Brazil ee Pele ayaa wax laga weydiiyay ciyaartoyga ugu fiican wakhti xaadirkan gaar ahaan sanadkan 2019 ee uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro haddiiba uu fursadaas helayo. Dabcan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga kubadda cagta Brazil ee Pele ayaa wax laga weydiiyay ciyaartoyga ugu fiican wakhti xaadirkan gaar ahaan sanadkan 2019 ee uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro haddiiba uu fursadaas helayo. Dabcan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa labada hormood ee ugu wacan jiilka haatan iyagoo wax badan oo xogo khaas ah iyo kuwo wadareedba ah soo diiwaan gashaday.

Pele oo xulashadiisa samaynaya ayaa doortay Lionel Messi walow uu ka tirsan yahay xulka Argentina ee ay dalkiisa Brazil kubadda cagta ku xifaaltamaan haddana halyeeyga ree Samba ayaa ku dooday in Leo uu yahay ciyaartoyga ugu dhammaystiran haatan.

Mar uu wargeyska Gazzetta Dello Sport weydiiyay inuu magacaabo ciyaartoyga sanadkan 2019 uu jeclaan lahaa inuu garab dheelo ayuu Pele ku fal-celiyay "Waxaan filayaa inuu yahay Leo Messi”.

"Isagu waa ciyaartoy xirfad leh, Waxa uu bixiyaa gool caawimooyin, Baasas, Goolal ayuu dhaliyaa waxaana uu ciyaartoyda u dhaafaa si wanaagsan”.

"Haddii aanu koox kawada tirsanaan lahayn, Kooxaha naga soo horjeedaa waxay noqon lahayd inay ka wer-weraan laba ciyaartoy maaha kaliya hal mid, Maanta Messi ayaa ah ciyaartoyga ugu dhammayska tiran”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip