Madaxweyne Farmaajo Oo Fariin Tacsi Ah U Diray Cali Geeddi

0
Thursday November 14, 2019 - 16:24:53 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Fariin Tacsi Ah U Diray Cali Geeddi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Raiisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Raiisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Raaiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

 
"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip