Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad oo maanta xilka la wareegay (SAWIRRO)
Taliyaha cusub Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo.
Munaasabadan oo masuuliyiin kala duwan ay ka qaybgaleen ayuu xilka ku wareejiyay Taliyihii hore ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Timacadde).
General Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa General Cabdiraxmaan Timacadde kaga hadlay shaqadii uu Qaranka u soo haayay mudadii uu xilka ku magacawnaa, iyadoo uu ballanqaaday in shaqada uu halkeeda ka sii wadi doono.
Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo goobjoog ka ahaa munaasabadda ayaa sheegay inay u dhaqaaqayaan hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Qaybta 60aad ee ka hawlgala Deegaanada Koonfur Galbeed ay hormuud u noqon doonaan gulufka ballaaran, ee Shabaabka looga saarayo dhulka Koonfur Galbeed.
Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu Degmada Waajid kaga dhawaaqay hawlgal lagu furayo wadooyinka soo gala degmadaasi, oo ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad oo maanta xilka la wareegay (SAWIRRO)
Taliyaha cusub Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo. Munaasabadan oo masuuliyiin kala duwan ay ka qaybgaleen ayuu xilka ku ware