Duqa Muqdisho oo maanta gaaray Magaalada Cape Town
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Johannesburg ayaa maanta gaaray magaalada Cape Town, iyadoona gagidda caalamiga ah ee magaalada Cape Town ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah jaaliyadda. Safarka guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinaya Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobalka banaadir oo uu ka mid yahay madaxa xiriirka dadweynaha Yusuf Cumar Axmed oo horay uga tirsanaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape Town.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxaana uu yiri:
"Farxad ayay inoo tahay maanta, in aan idinku soo booqanno halka aad ku nooshihiin oo ah magaalada Cape Town, sidookale waxaan ku faraxsannahay in aad nagu soo dhaweysaan halkan.”
Wafdigan uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa caawa magaalada Cape Town uga qeybgalaya munaasabad balaaran oo lagu dhaweynayo islamarkaana ay ku kala warqaadan doonaan Jaaliyadda iyo maamulka Gobalka Banaadir.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee guddoomiyaha Gobalka nabaadir uu ku aado dalka dibaddiisa tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana maalmihii la soo dhaafay uu kulamo la qaatay Jaaliyadaha ee Soomaaliyeed ee kala degan Magaalooyinka Johannesburg iyo Durban.
Duqa Muqdisho oo maanta gaaray Magaalada Cape Town
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka South Africa, halkaas oo uu uga qaybgalay shirka duqowda caasimadaha Aduunka oo lagu soo gab-gabeeyay magaalada Durban aya