Taliye kuxigeenka Xoogga oo beeniyay wararka sheegaya in hub lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa beeniyay warar sheegaya in hub lagala baxsaday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka.
Gen. Bariise ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn, lana doonayo in lagu marin habaabiyo ra'yi caamka.
"Waxaan halkan ku caddeynayaa in ay been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegayain hub lagala baxasaday Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra'yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed"ayuu yiri Gen. Bariise.
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sii hadlayay ayaa yiri ”
Waxaan umadda ugu bishaareyneynaa in CXDS yahay astaan u taagan ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada umadda Soomaliyeed isaga oo marnaba aan ka leex leexan baabi’inta iyo cirib tirka cadowga”
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay inay ka waan-toobaan dadka ku howlan been abuurka iyo meel ka dhaca sharafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliye kuxigeenka Xoogga oo beeniyay wararka sheegaya in hub lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise ayaa beeniyay warar sheegaya in hub lagala baxsaday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka. Gen. Bariise ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been