Waxaan Fursad u Heley markii ugu Horeysey in aan Wareysto Ruux qaba Xanuunka Juudaanka (Leprosy)

0
Sunday February 21, 2016 - 11:00:14 in Maqaallo by
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Fursad u Heley markii ugu Horeysey in aan Wareysto Ruux qaba Xanuunka Juudaanka (Leprosy)

    Inkastoo markaan garaadsdey oo wax bartey aan ogaadey in Xanuunka Juudaanka uu yahay Xanuun ka mid ah Xanuunada Dunida ka jira lana daweyn karo, hadana Yaraanteydii aad baa laygu Cabsiin jirey, weliba marka la gaaro habeenkii ayaa nala oron jirey &qu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo markaan garaadsdey oo wax bartey aan ogaadey in Xanuunka Juudaanka uu yahay Xanuun ka mid ah Xanuunada Dunida ka jira lana daweyn karo, hadana Yaraanteydii aad baa laygu Cabsiin jirey, weliba marka la gaaro habeenkii ayaa nala oron jirey "Hayey Xaafadda Juudaanley ayaa soo gashey" markiiba hal haleel ayaa guri u geli jirey, Xitaa Cabsidaas nagama dhamaan jirey ilaa aan gama'no

Ilaa iyo Xiligaan weli Dhaqankaas waa jiraa oo sidii baa Caruurta loogu Cabsi geliyaa, mar aan sii dheereeyn waxaa Magaalada Muqdisho soo gashey war sheegaya in dad qaba Juudaanka ay Ilmo ku CuneenDegmooyin ka tirsan Magaaladda , markii warkaas la sii daba galeyna waxaa uu noqdey mid aan waxba ka jirin oo sal iyo raad toona lahayn .

Waxaa maanta aan Fursad u heley in aan Wareysto qof Xanuunka Juudaanka qaba waxaa kula kulmey Xaflad Bulshada looga wacyi gelnayo Xanuunkaas (Leprosy) kaasoo muddo la Xanuunsanaa hase yeeshee markii uu qaatey Daawada Cudurkaas ayuu soo fiyoobaadey waxaana uu u dhacay Wareysigii aan la yeesheey Mustaf Shiikh Cabdi Sidantan

Su’aal:Goorma ayuu Xanuunka Juudaanka ku haleeley ?

Jawaab: Xanuunkaa Juudaanka waxaan qabaa Muddo Lix sano ah, markii hore ma garaneyn Xanuunka I haya hase yeeshee muddo markaan joogey ayaan Gadaal ka ogaadey

Su’aal:sidee Xaalkaadu ahaa inta aan la ogaan Xanuunka ku haya "

Jawaab:Waxaan Dareemey Xanuun Joogto ah markii dambe Dhaqtarka ayaa u tagey ka dib Baaritaan igu sameeyey halkaas baan ku ogaadey iyadoo isla waqtigaas la ii bilaabey Daawadii

Su’aal:Bulshadii aad la nooleyd maxaad kala kulantey?

Jawaab:Walaal markii hore Nabadoon baan ahaa markii Xanuunkaas la igu sheegey dadkii waa I faquuqeen oo aad baan u murugoodey oo waxaan waayey qof ii naxariista, Xitaa dadkii ii dhawaa ee aan ehelka ahayn way iga tageen oo faquuq aad u weyn baa la igu sameeyey , mararka qaar waxay dadka I dhihi jiraan” Juudaanleey” ereygaas markaan maqlo aad baan u dhifsan jirey "

Su’aal:Markii laguu bilaabey Daawada maxaa isbedel ah oo aad Dareentey?

Jawaab:Runtii markii Daawada la ii bilaabey, waxaan dareemey in aan boqgsanayo oo aan soo roonaayo, waxaa dhacay in dadkii Nabadoonka aan u ahaa ay ii soo laabteen loona sheegey in Xanuunka uu yahaymid ka mid Xanunada dadka ku dhaca Daawana uu leeyahay , waxaa ii bilowdey Farxad iyo Rayn rayn, dadkiina waa I soo dhaweeyaan,runtii inta aan Daawada la ii bilaabin jirkeyga qaybo ka mid ah Nabaro ayaa ku yiiley waad u jeedaa maanta waa iga bogsadeen Raadkii ay reebeen baa iga muuqda

Su’aal:Maxaa ku talineysaa oo aad Bulshada u sheegeysaa ?

Jawaab: Waxaan Bulshada u sheegayaa in Xanuunkaan uu ilaah keeno lana mid yahay Xanuunada la daweyn karo, sidoo kale dadka qaar weli Aaminsan in Dadka qaba Xanuunkaan Juudaanka ay dadka Cunaan waxaan u sheegayaa in arrintaas ay tahay mid Quraafaad ah, aniga maanta waxaan la noolahay dadkeyga waliba waxaan ahay Nabadoon si weyn looga yaqaan degaanka aan ka soo jeedo ee Mareereey

NB "Hadii Juudaanley dadka Cuni lahayd Aabbey ayaa I Cuni lahaa”sidaa waxaa yiri Dr Cali Cabdi Isaaq oo Daweeye Dadka Qaba Xanuunka Juudaanka la soco Qormadaan Tan Xigta

Sannadkii 2004 ayey ahayd markii aan noqdey Wariyihii ugu horeeyey ee Wareysta Ruux la nool Xanuunka HIV/AIDS mar aan ku sugnaa Magaalada Jowhar,maanta waxaaa noqdey Wariyihii ugu horeeyey ee Wareysta qof Xanuunka Juudaanka qaba , ujeedka waa in aan Gooyo Darbiga Faquuqa Xanuunadaas

Amiin iyo Mustaf

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@ yahoo.co.uk

Tel 00252615532494




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip