Sadio Mane Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Wararka La Bar-Bardhigaya Cristiano Ronaldo & Lionel Messi

0
Sunday November 03, 2019 - 19:57:05 in Wararka by
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadio Mane Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Wararka La Bar-Bardhigaya Cristiano Ronaldo & Lionel Messi

    Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay wararka la bar-bardhigaya xiddigaha soo haystay kubadda cagta mudooyinkii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi. Mane ayaa xilli ciyaareedkan iyo midkii hore gaadhay heerkiisii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ka hadlay wararka la bar-bardhigaya xiddigaha soo haystay kubadda cagta mudooyinkii ugu dambeeyay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi. Mane ayaa xilli ciyaareedkan iyo midkii hore gaadhay heerkiisii ugu sarreeyay ee waayihiisa ciyaareed kaddib markii uu kabta gool dhalinta ee Premier League shaqsiyan usoo hantay kooxdiisana kusoo hoggaamiyay UEFA Champions League.

Kaddib qaab ciyaareedkiisa wanaagsan, Sadio ayaa kasoo muuqday liisaska abaalmarino caalami ah oo shaqsi ah walow uusan midna kusoo guuleysan haddana waxa uu markale ku jiraa 30-ka murashax ee Ballon d’Or oo dhawaan la bixin doono.

Si kastaba, Garabka ree Senegal oo ka warramaya Messi iyo Ronaldo ayaa sheegay in labadaas xiddig ay yihiin kuwo waaweyn isla markaana uu in badan ka dambeeyo balse uu diyaar u yahay sidii uu ugu dhawaan lahaa.

Mane ayaa hadalkiisa ku bilawday "Ciyaartoydani (Ronaldo iyo Messi) waa kuwo waaweyn, Waxaan filayaa inaan wali in badan ka fogahay iyaga, Sida aan sheegay waxaan samaynayaa waxkasta oo aan awoodo si aan wax yar ugu dhawaado iyaga”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip