Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Muxuu ka yidhi Xadhigga Fannaaniinta Xiddigaha Geeska?

0
Monday September 28, 2015 - 12:02:43 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Muxuu ka yidhi Xadhigga Fannaaniinta Xiddigaha Geeska?

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Xadhigga Afar Fannaan oo Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ka tirsan oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku xidhay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Xadhigga Afar Fannaan oo Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ka tirsan oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku xidhay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay Gelinkii hore ee Axaddii Maanta ee 27-ka September 2015-ka ku beegnayd ka soo degay. annaaniintan Xiddigaha Geeska ka tirsan ee la xidhay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Oday), Nimcaan Cabdiraxmaan (Hillaac), Xamda Cabdi Kinaal (Qu’een) iyo Maxaamed Axmed Bakaal (Cirro), ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana uu cambaaraynayo.
image

Fannaaniintan Xiddigaha Geeska ka tirsan ee la xidhay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Oday), Nimcaan Cabdiraxmaan (Hillaac), Xamda Cabdi Kinaal (Qu’een) iyo Maxaamed Axmed Bakaal (Cirro), ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro sheegay inuu ka xun yahay, isla markaana uu cambaaraynayo.

Guddoomiye Cirro waxa uu Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Xidhay Afarta Fannaan ugu baaqay inay si deg-deg ah xorriyaddooda ugu soo celiso oo ay siidayso. ”Waxaan Cambaareynayaa Xadhigga Fannaaniinta Xiddigaha Geeska. Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah xorriyaddooda ugu soo celiso Fannaaniinta Xidhan.” Sidaa ayuu ku yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maamed Cabdillaahi (Cirro), Qoraal uu xalayku baahiyey Ciwaanka uu ku leeyahay Shabakadda Kulanka Bulshada Internet-ka ee Twitter-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax), ayaa isaguna si kulul u cambaareeyey, kuna tilmaamay xadhigga Fannaaniinta Afarta ah ee Xiddigaha Geeska mid tacaddi, xad-gudub iyo Sharci-darro ah, waxaanu Xukuumadda ka dalbaday inay caddayso Sharciga ay u adeegsatay Xadhigga Fannaaniinta.


Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u warramay, ayaa ku andacooday inay Xad-gudub sameeyeen Fannaaniintu, isagoo ku eedeeyey inay Calanka Soomaaliya huwadeen, taasoo aan xaqiiqo ku salaysnayn, lana arag iyaga oo Fannaaniintu Huwan Calanka Soomaaliya, Hase yeeshee, Sawirro la sameeyey oo dad ujeeddo ka lihi Dul saareen Sawirrada Fannaaniinta Xamda-Qu’een iyo Nimcaan Hillaac la soo dhigay Facebook.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip