Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu xusay in weerarkan lagu dilay sarkaal khabiir ku ahaa dhanka Qaraxyada oo lagu magacaabo Macalin Shariif oo ahaa ninka lagu bartilmaameydsaday weerarkan.
Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay ciidankeeda qabsadeen 16 Qori oo nooca Ak47 ah 6 Qaraxyada Macmalka ah iyo 8 RBG iyo Rasaas.
Duqeyntaan ay Kenya sheegtay inay ku dishay Saraakiil ka tirsan Shabaabka, ayaa Khamiistii Galabteeda saacada markii ay aheyd 5:00 galabnimo sida Qoraalka Kenya ka soo baxay lagu sheegay.
Kenya waxa ay ku goodisay inay sii wadi doonto Duqeymaha ay la beegsanayaan Saraakiisha Shabaabka iyo ciidankooda Saldhigyada ku leh Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.
Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaanan ka bixin hawada Somaliya oo xilli kasta waxa ay ku dul meeraystaan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka si ay u beegsadaan ciidamada Shabaabka.
Kenya oo sheegtay inay dishay 20 Shabaab ah oo uu ku jiro Sarkaal Khabiir ku ahaa dhanka Qaraxyada
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya, ayaa lagu sheegay Duqeyn dhanka cirka ah oo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka fuliyeen Gobolka Gedo in lagu dilay, Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.