ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Xanaanada Duur joogta ee dalka Kenya, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay Lix libaad.

0
Saturday February 20, 2016 - 10:43:13 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira Libaaxyo ka soo baxsaday Xarunta Xanaanada Duur joogta ee dalka Kenya, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay Lix libaad.

    Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuu kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Ethiopia Tedros Adhanom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuu kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Ethiopia Tedros Adhanom.

Kulanka labadan masuul, ayaa waxa ay uga wada hadleen arimaha Somaliya, gaar ahaan Doorashada la filaayo in sanadkaan gudihiisa ay ka dhacdo dalka Somaliya.

Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen labadan dhinac ayaa ku saabsanaa ammaanka iyo iskaashiga, sidaana waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibedda ee dowlada Itoobiya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xassan ayaa dowlada Itoobiya uga mahadceliyey taageerada Milateri oo ay siiso Somaliya taasoo la xiriirta dagaalka ka dhank ah Al-Shabaab.

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia, ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay taageerada Somaliya iyo sidii Somaliya ay uga soo kabsan laheyd Bur burka soo gaaray.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey u taageeray go’aankii Dowladda Federaalka ka gaartay nidaamka doorashooyinka ee shirkii madasha wadatashiga oo ay Beesha Caalamka taageertay.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii Madaxweynaha Puntland uu Magaalada Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Ethiopia Tedros Adhanom.

Ethiopia ayaa saameyn ku leh Siyaasada dalka Somaliya, waxaana si gaar gaar ah ay madaxda Ethiopia ula shiraan kuwa Somalida ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip