CR7 Oo Aktar Noqda, Guardiola Oo La Ceyriyo Iyo 20 Waxyaabood Oo La Saadaaliyay Inay Dhici Karaan Ka Hor 2030

0
Saturday October 26, 2019 - 20:00:36 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CR7 Oo Aktar Noqda, Guardiola Oo La Ceyriyo Iyo 20 Waxyaabood Oo La Saadaaliyay Inay Dhici Karaan Ka Hor 2030

    Dhawaan haddii Eebe idmo waxaa dhameystirmo doona 20kii sannadood ee ugu horeysay qarnigaan 21aad, waxaana la geli doonaa 10ka sannadood kale ee ku xiga. Hadaba nin caan ka ah YouTube islamarkaana ka faalooda kubada cagta oo lagu magacaabo The Irish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan haddii Eebe idmo waxaa dhameystirmo doona 20kii sannadood ee ugu horeysay qarnigaan 21aad, waxaana la geli doonaa 10ka sannadood kale ee ku xiga. Hadaba nin caan ka ah YouTube islamarkaana ka faalooda kubada cagta oo lagu magacaabo The Irish Guy ayaa saadaalin ka bixiyay waxyaabaha dhici kara 10 sannadood ee soo socda.

Ma jirto cid ogsoon waxa mustaqbalka dhici kara, warbixintaan u qaado madadaalo ahaan, kuna darso waxa aad isleedahay waa ay dhici karaan 10ka sannadood ee soo socda.

The Irish Guy waxa uu saadaaliyay ilaa 40 waxyaabood oo dhici kara, laakiin waxaan ka soo qaadanay 20kaan hoose:

1. Kylian Mbappe waxa uu noqon karaa xiddigii ugu horeeyay ee 300 milyan ginni lagu iibsado.

2. Neymar waxa uu noqon karaa xiddigii ugu horeeyay ee mushahar hal milyan ginni isbuucii u qaata

3. Man United waxay ku guuleysan kartaa Premier League inta aan la gaarin 2030.

4. Juventus waxay ku guuleysan kartaa Champions League intaan la gaarin 2030

5. Marcus Rashford waxa uu noqon karaa 30 jir aysan kooxna dooneynin

6. Wiilka Cristiano Ronaldo waxa uu ku guuleysan karaa abaalmarinta Wiilka Dahabiga Ee Goldon Boy.

7. Da’ yarka Manchester City Phil Foden waxa uu noqon karaa kabtanka England

8. Wayne Rooney waxa uu tababare ka noqon karaa koox Premier League ah

9. Theo Walcott wuxuu noqon karaan khabiir ciyaaraha u falanqeeya TV-yada

10. Jose Mourinho wuxuu Koobka Adduunka la qaadi karaa Portugal

 
 

11. Man City waxay ku guuleysan kartaa Champions League

12. England lama filayo inay qaado Koob Adduun ilaa 2030

13. Paul Pogba wuxuu ku biiri karaa koox ka ciyaarta horyaalka Mareykanka ee MLS.

14. Cristiano Ronaldo wuxuu noqon karaa aktar caan ah

15. Steven Gerrard wuxuu Premier League la qaadi karaa Liverpool isagoo tababare u ah

16. Arsenal waxay ku guuleysan kartaa Premier League ka hor 2030

17. Jurgen Klopp waxa uu tababare ka noqon karaa Bayern Munich

18. Raheem Sterling waxa uu ku guuleysan karaa Ballon d’Or

Advertisements

19. Sergio Ramos waxa uu tababare ka noqon karaa Real Madrid

20. Pep Guardiola waa la ceyrin karaa markii ugu horeysay intaan la gaarin 2030.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip