Ra'iisul Wasaaraha oo qado sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jiradii wacdaraha ka dhigay Tartankii Jeem Cup

0
Friday February 19, 2016 - 23:14:55 in Wararka by
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo qado sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jiradii wacdaraha ka dhigay Tartankii Jeem Cup

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada oo ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar.Waxana uu Ra�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Ciyaartoydii 11-jirada oo ku matalayay Qaranka Soomaaliya Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar.Waxana uu Ra'iisul Wasaaruhu boggaadiyey sida ay uga soo dhex muuqdeen ciyaaraha iyo guulihii ay gaareen mudadii ay ciyaaruhu socdeen.

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahadcelin u jeediyey Maamulka Iskuulkii ay ka socdeen iyo Waalidiinta dhalay, isagoo xusay in loo baahan yahay ciyaartoydan da’da yar in maalgalin lagu sameeyo si kor loogu qaado xirfadooda. Wuxuna intaa raaciyey in dawladda Qatar uu kala hadlay dhismaha Garoon iyo goobo kale oo lagu ciyaaro qeybaha kala duwan ee Ciyaaraha.

"Maanta farxad ayay ii tahay in aan qado u sameeyo dhalinyaradii kor u qaaday magaca Soomaaliyeed, waxaad tihiin geesiyaal guul u soo hooyay Soomaaliya. Waxana idiin haynaa qadarin”ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas raaciyey in kulamada soo socda uu rajeynayo guul ka ballaaran tan in ay gaari doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in ardaydan ay beri noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka, ayna dhiiri gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

"Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta, jiilkan yar yare e aad arkeysaan, runtii Xukuumaddu way bogaadineysaa tallaabooyinka lagu dhiiri gelinayo da’yarta isboorti, oo aan dhihi karo inay Soomaaliya u tahay mustaqbal fiican”ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey R/Wasaare Cumar.

casum (1)casum (2)casum (3)casum (4)casum (5)casum (6)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip