LIBYA: Duqeyn Diyaaradeed oo Xoogag Xiriir la leh ISIS lagu Beegsanayay oo lagu Dilay 30 Ruux

0
Friday February 19, 2016 - 17:44:17 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIBYA: Duqeyn Diyaaradeed oo Xoogag Xiriir la leh ISIS lagu Beegsanayay oo lagu Dilay 30 Ruux

    Duqeyn Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Degmada Sabratha ee dalka Liibiya, laguna beegsanayay kooxo Xiriir la leh ISIS ayaa lagu dilay ugu yaraan 30-ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn Diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Degmada Sabratha ee dalka Liibiya, laguna beegsanayay kooxo Xiriir la leh ISIS ayaa lagu dilay ugu yaraan 30-ruux.
Sarkaaal sare oo Mareykan ah oo u Warramayay WargeyskaNew York Timesayaa sheegay in duqeyntan ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, lagula dilay saraakiil sare iyo Xoogag ka tirsan Kooxda ISIS.

Wuxuuna sarkaalku intaas ku daray in duqeyntan lagu beegsanayay Hogaamiye u dhashay dalka Tunisia oo lala Xiriiranayo laba Weerar oo Argagaxiso oo dhacay Sannadkii hore ee 2015-ka iyo sidoo kale toogashada 30-qof oo u dhashay dalka Britain.



Sidoo kale, Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa isagana sheegay inay qayb katahay duqeyntan Hawl-gallada xukuumadda Mareykanku ku beegsanayo qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha iyo xoogagga Kooxda ISIS oo xilli hore ka soo cararaay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, saldhigyana ka sameysatay Liibiya.

Duqa Magaalada Sabratha ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in lala beegsaday duqentan guri ku yaalla Magaalada uu ka taliyo, taasoo Galbeed kaga beegan Caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.

BBC-da ayaa iyaduna sheegtay in duqeyntan ay saameysay saldhig ay Birtain ku leedahay dalka Liibiya, inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay duqeynta Maanta ka dhacday dalka Liibiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in degmada Sabratha oo ku dhow xadka Liibiya iyo Tunisia ay tahay deegaan ay ku xoogan yihiin kooxda Islaamiga ah ee ISIS, isla markaana ay isugu tagaan.

Ugu dambeyn, Kooxda ISIS ee Liibiya ayaa Waxay Sannadkii hore la Wareegeen gacan ku haynta magaalada Sirte ee waddanka Liibiya, halkaasoo ahayd magaaladii uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya, Muammar Gaddafi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip