Cayaartooyda da'yarta oo xalay loo sameeyay xaflad soo dhaweyn ah "SAWIRRO"

0
Friday February 19, 2016 - 15:24:58 in Wararka by
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaartooyda da'yarta oo xalay loo sameeyay xaflad soo dhaweyn ah "SAWIRRO"

    Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Gudoomiyaasha Barlamaanada Galmudug, Jubbaland, Koonfurgalbeed, maamulka gobolka benaadir Fanaanin, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Gudoomiyaasha Barlamaanada Galmudug, Jubbaland, Koonfurgalbeed, maamulka gobolka benaadir Fanaanin, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo dhaweynayay cayaartoyda 11 jirada ee ka qeyb galayey tartanka Dugsiyada Jaamacada carabta ee ka dhacay dalka Qatar.

Sugaan ka hadleysa qiimaha ay leedahay Waddaniyadda ayaa lagu soo bandhigay munaasabada, iyadoo Guddoomiyaasha Barlamaanada Galmudug, Jubaland, iyo Koonfurgalbeed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegen in xiligan loo baahanyahay in si wada jir ah looga qeyb qaato dhiiri gelinta ubadka yar, isla markaana laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcale Madale ayaa sheegay in uu bilowday kacdoonka lagu horumarinayo Muqdisho , isagoo intaa ku daray in dowladda Hoose ee Xamar ay u qorsheysay Da’yarta Ciyaartoyda 11 Jirada in laga dhigo cayaartooyda kooxda dowladda Hoose.

Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Nuux ayaa ku booriyay in la taageero ololaha lagu doonayo in lagu horumariyo Nabadda iyo isboortiga.



Wasiirka Howlaha Guud iyo dib udhiska Dalka ee Dowlada Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cusmaan oo kamid ah mas’uulinti munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in da’yarta 11 jirada ay astaan qaran u yihiin Umudda Soomaaliyed.

Cabdirisaaq Maxanmed Cabdullaahi iyo Cismaan Salaad Cabdi oo ka mid ah cayaartoyda 11 jirada ee soo jiitay quluubta Ummadda Soomaaliyed ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin habmaamuuska qaran ee loo sameeyay.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip