Guddoomiye Degmo Oo Loo Heysto Qarax Lagu Dilay Masuul Kale Oo La Soo Taagay Maxkamadda CQS

0
Thursday October 17, 2019 - 22:52:10 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Degmo Oo Loo Heysto Qarax Lagu Dilay Masuul Kale Oo La Soo Taagay Maxkamadda CQS

    Waxaa Maanta y oo Khamiis ah la soo taagay maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guddoomiyihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo shakhsi kale. Guddoomiyiha iyo shakhsi kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta y oo Khamiis ah la soo taagay maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guddoomiyihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo shakhsi kale. Guddoomiyiha iyo shakhsi kale oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxaana loo heystaa Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada ayaana ku soo eedeeyay labadan nin ee maxkamada kasoo hor muuqday in ay wax ka maleegeen qaraxa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka. 19-kii bishii April ee sanadkan 2019-ka ayaa qarax lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Maxaas iyada oo la aaminsanyahay in Labadan ay ku lug lahaayeen qaraxaas lagu dilay Cabdi Rashid Cusmaan Carab.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip