35 ruux oo ku geeriyootay Shil gaari

0
Thursday October 17, 2019 - 22:43:14 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    35 ruux oo ku geeriyootay Shil gaari

    35-ruux ayaa dhimatay ,afar kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kadib kolkii gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah oo maraayey wadada u dhexeysa Maka iyo Madiina uu ku dhacay gaari kale oo ah kuwa xamuulka,sida ay ku waramay Afhayeen u hadlay ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

35-ruux ayaa dhimatay ,afar kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kadib kolkii gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah oo maraayey wadada u dhexeysa Maka iyo Madiina uu ku dhacay gaari kale oo ah kuwa xamuulka,sida ay ku waramay Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska. Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysay Afhayeenkaasia ayaa sheegay in shilkaasi oo ka dhacay magaalada al-Akhal uu yimid ka dib markii ay is-jiireen laba gaari oo mid ka mid ah uu ahaa Bas ay saarnaayeen Xujeey gaaraya 39-qof oo isugu jiray Carab iyo dad Aasiyaan ah, Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa warku intaa ku daray in loo qaaday Cisbitaalka Al-Hamna ,waxaana jira baaritaanno ku aadan dhacdadaasi oo ay faraha ku hayaan ciidamada Boliiska Sacuudiga. Shilkaan ayaa imaanaya ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay shil laba gaari oo ka dhacay gudaha Sacuudiga ay ku dhinteen 4-xujeey oo Ingiriis ah,isla markaana ay dhaawacmeen 12-qof.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip