Muxuu Erdogan ku sameeyey warqaddii hanjabaadda ahayd ee uga timid Trump?

0
Thursday October 17, 2019 - 20:19:01 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Erdogan ku sameeyey warqaddii hanjabaadda ahayd ee uga timid Trump?

    Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa meesha qashinka ku riday waraaq uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Warqadaan uu Erdogan qashinka ku riday ayaa waxaa la qoray markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Suuriya oo ku beegneyd 9-ka Bishaan October. Madaxweyne Trump ayaa Erdogan u sheegay inuusan is adkeyn oo uusan noqon doqon "Ha is adkeynin. Doqon Ha noqon ". Illo wareedyo u dhow madaxtooyada Ankara ayaa BBC u sheegay inuu Erdogan iska diiday waraaqdii uga timid Trump.

Waxaa xusid mudan in Maalintii uu Trump waraaqda usoo diray Erdogan inay Ciidamada Turkiga bilaabeen howlgalkooda ka socdo gudaha dalka Siiriya.

Waraaqda uu Trump usoo diray Madaxweynaha Turkiga ayaa u qorneyd sidaan:

"Heshiis fiican Aan ka wada shaqeyno! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga , Waana sameyn doonaa”.

"Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.”

" Waana kusoo wici doonaa” ayuu kuso gabagabeeyey Trump waraaqda uu u qoray dhigiisa Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa la kulmay dhaleeceyn ballaaran oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Siiriya taasoo la sheegay inay Turkiga fursad u siisay howlgalkooda ka socdo Siiriya.Dhaleeceynta ugu badan ayaa wuxuu Trump kala kulmaya Xisbigiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip