Sawirro:- Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Looga Hadlay Amniga Iyo Arrimo Kale

0
Thursday October 17, 2019 - 19:47:30 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:- Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Looga Hadlay Amniga Iyo Arrimo Kale

    Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada. Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka. Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) "PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa.    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip