Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Hindiya

0
Thursday October 17, 2019 - 09:37:55 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Hindiya

    Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa magaalada New Delhi dalka Hindiya kaga qaybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK waxana Wasiirka ku wehlinayay shirka danji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa magaalada New Delhi dalka Hindiya kaga qaybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK waxana Wasiirka ku wehlinayay shirka danjiraha Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Faadumo C/laahi Maxamuud Insaaniya iyo lataliyaasha Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta. Shirka waxa soo qaban qaabisay hay'adda IHS MARKIT waxana kasoo qaybagalay dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo shirka lagu casuumay hay'addo iyo shirkado caalami ah, inta uu socday waxaa looga hadlayay tamarta iyo guud ahaan qayaraadka kala duwan ee dalkaas. Wasiirka Badaroolka iyo Macdanta Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa qudbad ka jeediyay inta uu socday shrika waxaa uuna ka hadlay qaabka Somaaliya uga faa'iideysankarto iyo sida shirkadaha iyo dawladaha kalke ee caalamka ay umaal gashankaraan Soomaaliya waxa uuna warbixin fiican ka siyay xaladda Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka ayaa kulan laqaatay Wasiirka Badroolka iyo Gaaska dabiiciga ah DHARMENDRA PRADHAN waxa ayna ka wadahadleen sida ay dowlada Hindiya uga gacansiin lahed tabarida shaqalaha iyo in ay yeshaan wada shaqayn dhaw. Sido kale Wasiirka iyo Wafdiga lasocday ayaa waxa ay kulan laqateen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda tamarta ee Marekanka waxyabo badan ayaana looga wadahadlay kullankaas. Dalka Hindiya waxaa uu kamid yahay wadamada ku jira hardanka dhaqaalaha iyo in uu qayb ka noqdo quwadaha addunka ee tartanka ugu jira in ay gacanta ku dhigaan Badaroolka Macadanta iyo Gaaska dabeciga ah. Dalkena Somalia waxa uu hadda ku jira iibgeynta qaybo ka mid baloogyada shidaalka waxana aad dar dar xoogan ugu socdaa tageerada iyo gacansiinta ay ka helayan wadamada iyo shirkadaha daneeya shidaalka iyo macdanta. Ugu dambeyntii Wasiirka iyo Wafdigiisu waxaa ay booqdeen Safaradda Soomalida ee Delhi halkaasoo Warbixin ay ku kala qaateen Safiirka iyo Diblomaasiyinta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip