Ciidanka Amniga Oo Albaabada Isugu Dhuftay Xarumaha CAMEL FOREX Ee Muqdisho

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:27:33 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Amniga Oo Albaabada Isugu Dhuftay Xarumaha CAMEL FOREX Ee Muqdisho

    Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa Albaabada isugu dhuftay Xaruumaha KAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad. Dad Soomaliyeed oo badan ayaa sanadihii ugu dambeyay shaqo abuur ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa Albaabada isugu dhuftay Xaruumaha KAMEL FOREX oo ah xaruumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala Sarifto lacagaha qalaad. Dad Soomaliyeed oo badan ayaa sanadihii ugu dambeyay shaqo abuur ka sameeyay baraha Internet-ka adeega lagu magacaabo FOREX Tareen. Suuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah, Dhalanyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay. Milkiilayaasha KAMEL FOREX ayaa Dalsan u xaqiijiyay in iyagoo ku guda jira howl maalmeedkooda in lagu amray in albaabada isugu dhuftaan xaruumahooda ganacsi oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.Suuqan ayaa ku sahlaya adigoo hooygaaga jooga qaab Online ahaan in aad ka sameysid lacago farabadan balse uu kaaga baahanyahay barasho. Ilaa iyo hada Lama oga sababaha ay hay'addaha amniga dowladda u xireen xaruumaha KAMEL FOREX,hayeeshee Milkiilayaasha ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin talaabada ay xaruumahooda gancsi ku xireen hay'addaha amniga. Dhinaca kale xiriiro kala duwan ayaa la sameeynay Saraakiisha dhanka aniga ee dowladda,hayeeshee nooma suuragelin. Xigasho Dalsan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip