Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidankii Ka Goostay Ee Ku Biiray Puntland

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:14:00 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidankii Ka Goostay Ee Ku Biiray Puntland

    Kadib markii dhawaan Ciidamo ka tirsnaa Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah arrintaasi ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Somaliland. Cabdirisaaq Cabdi Saalax oo ah Wasiirka Caddaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii dhawaan Ciidamo ka tirsnaa Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah arrintaasi ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Somaliland. Cabdirisaaq Cabdi Saalax oo ah Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidankii ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland ay ahaayeen kuw matarayaal ah ku raagay deegaanka Ceelbuh. Ciidamo oo ka tirsan Guutada 93-aad ee Somaliland kuna sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ayaa todobaadkan gudihiisa ku biiray maamulka Puntland,kuwaasi oo ka howlgeli jiray halkaas.Sidoo kale Wasii Saalax ayaa waxaa uu sheegay in Calan Somaliland ay leedahay aan laga dejin deegaan ku yaalla bariga Sanaag,isla markaana Calanka Puntland sheegtay inay dejisay halkaas uu ahaa mid lagu sameeyay (Photo Shop) waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Somaliland ka soo goostay ay yihiin kuwii ugu dambeeyay u joogay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor,iyagoona watay gaadiika nooca dagaalka ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip