Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

0
Wednesday October 16, 2019 - 21:10:17 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

    Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Kismaayo. Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Magaalada Kisma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Kismaayo. Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uga qeyb galay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Sidoo kale Kismaayo ayaa waxaala filayaa in saacadaha soo socda Kismaayo uu ka ambabaxo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isna ka qeyb galay Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe,isagoo ku laaban doona Magaalada Boosaaso.Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uusan ka soo ambabixin Magaalada Kismaayo waxaa uu geed talaal ku beeray Madaxtooyada Jubaland,isla markaana Jubbaland u rajeyay baraare iyo horumar waara.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip