Laamaha Amniga Dhuusamareeb oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

0
Wednesday October 16, 2019 - 08:05:07 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha Amniga Dhuusamareeb oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

    Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan xasaasi ah ku yeeshay saraakiisha Hay'adaha Amniga ee ka howlgalla Magaaladaas,kulankaas oo ay uga hadleen arrimo la xiriira. Kulanka oo ay Saraakiisha Ciidamada isugu yeertay W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan xasaasi ah ku yeeshay saraakiisha Hay'adaha Amniga ee ka howlgalla Magaaladaas,kulankaas oo ay uga hadleen arrimo la xiriira. Kulanka oo ay Saraakiisha Ciidamada isugu yeertay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa looga hadlay qodomo ay kamid ahaayeen Caqabadaha Cusub ee Amniga,howlgallada socda, xog waranka howlaha qabsoomey iyo Warbixinta Guud ee howlaha socda. Kulankaan xalay ka qabsoomey Magaalada Dhuusamareeb oo inta badan ay yeeshaan laamaha Amniga Dhuusamareeb ayaa waxaa shir guddoominayey Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf,waxaana uu daba socdaa howlgallo weli ka socda Magaaladaas. Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb ku amray inay laba jibaaraan howlaha sugida Amniga maadaama doorasho la filayo inay ka dhacdo halkaas. Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa howlgal ay shalay fuliyeen waxaa ay kusoo qabteen khamri farabadan iyo dad ka Ganacsanayay,iyada oo khamrigii Goob fagaaro ah ay ku bur buriyeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip