HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.T DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA OCT 2019-KA

0
Wednesday October 16, 2019 - 07:59:42 in Wararka by
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.T DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA OCT 2019-KA

    Kheyre oo kormeeray Isbitaalka hooya da iyo dhallaanka Banaadir Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kheyre oo kormeeray Isbitaalka hooya da iyo dhallaanka Banaadir Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka. Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra'iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la'aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo Sep tember ee sannadkaan. R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabe lle oo lagu amray inay dib ugu soo laabtaan Jowhar

     Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshab elle Cismaan Barre Max amed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaa nka Hirsh abelle inay  dib ugu soo  laabtaan M/Jowh ar xarunta dowlad gobol eedka Hirsh abe lle ka dib markii uu dham aaday fasaxii ay ku jireen.

   Guddoomiyaha Baarlamaanka maamu lka Hirshabelle ayaa sheegay in maalma ha soo socda uu furmi doono kulanka Baa rlamaanka Hirshabelle, isagoona sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlam aanka maamulka Hirshabeelle.

    Baarlamaanka Hirshabelle  oo lagu wa day inuu furmo bishii aynu ka soo gudubn ay ayaa dib u dhacyo  xoog leh kala kulm ay xildhibaanada oo ka maqan caasima da. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirsha belle ayaa fariin uu u direy xildhibaanada ugu sheegay inaysan qaadan doonin guna dooda haddii aysan soo gelin magaalada Jowhar.Sidoo kale guddoomiyaha Baarl amaanka Hirshabelle ayaa waxaa uu shac abka ku nool Magaalada Jowhar ka dalb aday in ay la shaqeeyaan ciidamada Amni ga si loo sugo Amniga Magaalada Jowhar

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

    Wararka ka Imaanaya Magaalada Toro nto ee dalka Canada ayaa waxaa ay shee gayaan in halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka dalkaas kunool. Rag hubeysan ayaa Muwaadinka ku dilay goob ku taalla Magaalada Toron to,waxaana geeridiisa xaqiijiyay Muwaadi niin Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaas.

       Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Far han Jamac,kaasi oo kamid ahaa dhalinya rada sida weyn looga yaqaanay Magaala da Toronto,isla markaana ahaa Nina aad u firfircoon. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ragii hubeysnaa goobta ay ka dhaqaaqeen,kadib markii ay dilka u geysteen Farhan Jamac.

     Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca falal kala duwan oo loo heysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Ciidamada Dowladda oo fuliyey howlg al qorsheysan

       Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameyeen degaanka Raydab oo qiy aastii 40Km dhanka waqooyi kaga beeg an degmada Baardheere ee Gobol ka Ge do.

      Saraakiisha howlgalka hoggaaminey sa ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgal ka asi ku dileen Xubno katirsan Al-Shab aab oo ku sugnaa deegaanka howlgalka laga sameeyey.

     Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, ee XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo lahadlay Warba ahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal kaas ay kusoo furteen Hub iyo Saddex Bo qol oo neef oo Ari ah oo ay Al-Shabaab ka qaadeen dadka shacabka ah ee ku nolaa baadiyaha hoos taga degaanka Raydab.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in  howlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayey Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro kala duwan ka fuliya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

    Si kastaba majirto cid weli xaqiijisay warkaan kasoo yeeray taliska Ciidamada xoog ga dalka ee gobolka Gedo oo ku aa dan inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shab aab hubna kasoo furteen.

Wafuudii ka qeyb gashay Caleemo-saar kii A/Madoobe oo kulan sagootin ah loo sameeyay

     Magaalada Kismaayo ee Xarunta GJ/Hoose gaar ahaan Guriga martida Jub baland ayaa Caawa waxaa lagu qabtay Mu naasabad lagu sagootinayo Madaxdii ka qeyb gashay Caleemo saarka Madaxweyn aha dowla Goboleedka Jubbaland. Munaa sabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Mad axweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xa san Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh.Axmed,Guddoomiye ku-xigeenka Aqa lka Sare ee dalka.Madax weynaha Puntl and Saciid Cabdullaahi Deni.

     Sidoo kale Munaasabaddan uu soo qa ban-qaabisay maamulka Jubbaland ayaa waxaa joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaan ka,Guddoomi yaha Xisbiga Wadajir,Madax weyneyaashii hore ee Galmudug iyo Ko onfur Galbeed iyo Marti sharaf kale oo la gu Casuumay Xafladii lagu Caleemo-saar ay Axmed Ma xamed Islaam Axmed Mado obe.

   Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbal and ayaa u mahadceliyay Madaxda iyo Si yaasiint ka qeyb gashay Munaasabada Ca leemo saarkiisa,isagoo kula dardaar may midnimada iyo wadajirka ummada Soo maaliyeed.

Taliyeyaasha qaar ee Saldhigyada oo xilalkii laga qaaday

   Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa xil ka ka qaadis iyo Maga caabis ku sameey ay qaar ka mid ah Saraa kiisha Ciidanka Boolis ka ee ka howlgalla M/ Muqdisho. Taliyaha ayaa taliye yaasha qa arkood u maga caabay xilal Sare halka ku wana xilalka laga qaaday oo kuwa cusub la Magacaabay.

   Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkii nley,Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cum ar (Mahad Korow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.

Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliis ka  ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo horay u ahaa T/ha Saldhigga Wilyow Cadde

Taliyaha Bimadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo hor ay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed. Taliy aha Dar aawiishta boliiska ayaa laga dhig ay Gashan le sare C/hi Mire Siyaad. Taliya ha qaybta Ga lbeed ayaa loo Magacaabay Maxamuud xus een iyo Taliyaha Laanta socotada cidanka  BoliiskaC/rashiid Aadan xirsi loo magacabay


Axmed Madoobe oo Markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadalka DFS

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Ax med Madoobe ayaa Caawa khubad ka jeed iyay kulan sagootin iyo mahadcelin ah uu u sameeyay Masuuliyiintii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saa rkiisa.Axmed Madoobe ayaa Khudba diisa uga hadlay arrimo kala duwan oo qeyb ka tahay Xaa lada siyaasadeed ee dalka haatan uu ma ro iyo arrimo wadahalka dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa markale ku celiyay inuu diyaar u yah ay wadahadal iyo dib u heshiisiin dhe xmarta dowladda Federaalka iyo Jubbal and oo Khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo lab ada dhinac.

   Sidoo kale waxaa uu sheegay inay di yaar u yihiin cid walba oo Maamulka Jubb aland wax ka tabaneysa  inay kul kala bax aan miiska wada hadalka iyo sharciga dal ka u yaalla.

   "Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tab anaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”.ayuu yiri Axmed Madoobe.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbal and ayaa sheegay in Madaxda D/F  ee ha atan talada dalka heysa  aan looga baahn eyn inay ku fikiran muddo kordhis,isla markaana looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka..

    Madaxweyne Axmed Maxamed Isla an ayaa yirin ” Madaxda dowladda dhe xe maaha inay ku fekeraan mudo kor dhis waa inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka”.

   Si kastaba D/Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf Xoogan, iyad oona dowladda Doorashii uu ku baxay Ax med Madoobe ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka dalka.

Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Oo La Soo Taagayo Maxkamad

     Markii ugu horeysay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago,iyadoo loo he ysto in ka badan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jir aan arimo musuqmaasuq ah iyo wax is daba marin.

    Zuma waxaa ka mid ah eedeeymaha loo jeediyay qaadashada  lacago laaluush ah o uu ka helay qandaraas gaaraya 3.5 bilyan oo dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yu rub ah, kuwaa oo ka ganacsada iibinta diyaarad aha ,doomanka loo isticmaalo ilaalada iyo qalab mileteri. Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaayey Zuma  in lagu jo ojiyo dac wadaha loo heysto,ayaa waxaa Shalay la horkeeni do onaa maxkamada sare ee dalka K/Afrika,isagoo ku eedeysan si da la sheegay kasbashada  afar milyan oo Rand ($ 270,000

     Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ayaa ku qasbay in uu is ka casilo jagada madaxweynenimada san adkii la soo dhaafay kadib sagaal sano oo uu xukunka hayey,

    Isbuucii la soo dhaafay ayeey aheyd in uu horyimaado maxkam ad,sidaa daraade ed, Sarkaal maxkamadeed ayaa saadaaliy ay in bilowga howsha maxkamadeyta ay u badnaan doonto rafcaan ka qaadashado la xiriirta go-aanada maxkamadda

Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

     Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Max amed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Ma anta ku qaa bilay Wafdi uu Hog aa minayay Ma daxa Hay`adda IOM Ba ri ga iyo Geeska Africa Moham med Abdiker oo Bay dhabo  gaara y.        Kulan ay ku yeesheen Xarunta Mad axtooyada ayaa waxa ay uga wada hadle en sidii Hay’adda IOM u kordhin laheyd Shaqooyinka ay ka wada KGS iyo sidii ay uga waqrabi laheyd Arrimaha barakacay aasha iyo Caafimaadka.

     Madaxweynaha KGS Md. Laftagareen ayaa uga mahad celiyey Madaxda Hay’ad da Shaqooyinka ay wadaan,isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan arrimaha la xiriira barakacayaasha iyo tayeynta Caafima adka.

    Hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Africa Mohammed Abdi ker ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay kordhinta adeegyada Shaqeeya oo ay ka wadaan Koonfur Galbeed,isla mark aana ay sigaar ah u wajahayaan dadka barakacayaasha ah ee xilligaan dareema ya qabowga roobka deyrta.

   Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KG axmed Madoobe Nuunoow Agaasimaha Madaxtooyada Ko onfur Galbeed Ibraahim Maxamed Cabdu qaadir Baafo  iyo madax kale.

Ciidamada Suuriya Oo Gudaha U Galay Magaalo Muhiim Ah                           Ciidamada Suuriya ayaa si dhaqso ah ugu dhaqaaqay magaa looyinka iyo Tuulo oyinka ku yaala waqooyi bari ee dalka Suu riya iyaga oo isku diyaarinaya dagaal ay kaga hortagayaan Ciidama da uu Turkigu hogaaminayo

      Warbaahinta Dowladda ayaa sheeg ay sa in Ciidamada Suuriya oo Ruu shku ta gaeero ay gudaha u galeen magaa lada Man bij,waxaana talaabadaani ay qa yb ka tahay heshiiskii ay la galeen xoogag ga ay Kurdiyiintu hogaamiyaan isla mar kaana hor ey Mareykanka gacan uga heli jiray .

      Sidoo kale warbaahinta Dowladda Su uriya ayaa ku warame ysa in magaala da Manbij oo ay galeen ciidamada Suuriya ay ta hay halka dowladda Turkigu ay doon eyso in ay ka dhigto aag na bdoon lagana nadiifiyo dagaalyahannada Kurdiyiinta .

     Ciidamada ayaa horey u gaaray maga alooyinka Tal- Tamer iyo Caynu Ciisa ee waqooyi bari Suuriya halkaas oo dad kad ee gaanku ay dabaal degyo ku soo dhaw eyeen ciidamada

16 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Cafar ee Ethiopia

    Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana qiyaatsii tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqo oyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay boolis ka sheegeen Isniintii.

    Weerarkan ayaa qiyaastii 1-dii aroornimo ee sabtidii ka dhacay xaafadda Obno ee de gmada Afambo ee gobolka waqooyiga beri ee Cafar.

     Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhima shada badnaa ee gobolka ka dhaca.

   "Rag hubeysan ayaa ka yimid dhinaca Ja buuti, waxayna fuliyeen dilka” waxaa sidaas yiri taliye ku xigeenka booliska gobolka Ca far Ahmed Humed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters."Weli horey uma aynan arag dhacdo sidan u weyn oo shacab badan lagu dilay. Weli waan baaraynaa cidd ay aha ayeen raggaas.” Ayuu yiri.

    Isbital ku yaalla deegaanka ayaa waxaa la geeyey 28 qof oo dhaawacyo ay kasoo qaa reen qaraxyo iyo rasaas, sida uu madaxa Isbitalka Dubti ee goblka Cafar Mohammed  Hassen u sheegay Reuters.

    Haweeney lagu dhaawacay weerarka ay aa ku weysay seygeeda iyo wiilkeed oo afar bilood jiray, sida uu sheegay Mohammed.

    Ethiopia ayaa waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo uu hormuud ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo talada la wareegay 2018, kadib markii sad dex sano oo ay socdeen dibad-baxyo ra ba shado watay oo ka dhan ahaa dowladda ay hoggaamiyeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

     Abiy oo 43 jir ah ayaa jimcihii ku guuley stay abaal-marinta Nobel, sababo la xiriira daada lladii nabadeed ee soo afjaray colaa ddii Ethiopia muddada fog kala dhaxeysa dal ka Eritrea.Hase yeeshee is-beddelada uu bill aabay Abiy ayaa sidoo kale dhiiri-geliyey ho ggaamiye goboleedyo awood badan, waxay na sare u qaadeen xiisadihii qowmiyadaha dalka Ethiopia.


Kuwaite oo diyaarineysa shir aan looga baran Carabta oo lagu taageerayo Somaliya

    Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah ayaa shaaci yey in wadankiisa uu marti gelin doono shir lagu taageerayo Soomaaliya .

    Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas oo ah mid Soomaaliya looga caawinayo dhanka Wax barashada oo ay ka liidato uuna dhici doono sanadka soo socdo ee 2020 kaasoo lacago loogu deeqi doono. Wakaaladda Wararka ee dalka Kuwaite ee marka lasoo gaabiyo loo yaq aan (KUNA) ayaa sheegtay in Al-Jarallah uu Axadii hoggaamiyey kulan loogu diyaar garoo bayo shirkaas loogu deeqayo Soomaaliya oo   noqonayo midkii ugu horeeeyey noociisa ah oo   ay soo diyaariyaan Dowladaha Khaliijka.

    Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dib adda ayaa la kulmay Diblomaasiyiin u dhashay Dalka Kuwait iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee dalkaas si ay uga wada had laan sidii uu u dhici lahaa shirkaas lagu taagee rayo Soomaaliya lagana hortago wax walba oo keeni karo inuu shirkaas baaqdo.

     Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Shan Be rri ka hor ay Dowladda Mareykanka ku dhaw aaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaa reysa $50 Milyan.

     Barnamijkaas BAR ama Baro ayaa ah ma shruuc socon doono muddo 5 Sano ah kaasoo la doonayo in lagu hormariyo tayada waxbara shada Soomaaliya iyo in la taageero dardar gelinta waxbarashada carruurta.

Xigasho:-Caasimada Online

Khilaaf ka dhashay Magacaabistii Gud diga Xaduudaha Hir-Shabeelle

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Mag acaabey Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha Hir-Shabeelle,hayeeshee waxaa Magacaabistaasi ka dhashay khilaaf xoog an.

Waxgarad Shalay kulan ku yeeshay Magalada Baladweyne ayaa wax aa ay si cad uga soo horjeesteen guddigaas oo ka kooban 9 Xubnood,waxaana ay shee geen in guddigaas mudo 8 Maalmood ah la qarinayay.

     Waxgaradka ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba Guddigaas aysan aqonsaneyn,isla markaana beeshooda ay xad-gudub kala kulm een Maamulka hir-Shabeelle.

     Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Xub nahaas Guddiga ay aysan noqon doonin kuwa ka Shaqeeya deegaannada Maamulka Hir-Sha beelle, iyaga oo sheegay in guddigaas ay kee nsadeen Xubno ka tirsan Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle.

Danjiraha Somalia ee dalka Sudan oo waraaqaha laga guddoomay

    Danjire Maxamed Isxaaq ibraahim ayaa Sha lay si ramsi ah Warqadihiisa aqoonsiga Safi irnimo ku wareejiyay Goddoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan, laga bilaabo Shalay wixii ka danbeeyana no qonaya Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan

   Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim markii laga gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga u mah adceliyay Guudoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al-Bur haan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqda Safiir buuxa Shalay, kana shaqeyn doono Xiirka labada Dal ee soo jire enka ah Shacabka Soomaaliyeedna Abaal bad an uhayaan Dowladda Suudaan oo dhan wal bo ka taageertay. Dhanka kale Danjiraha ayaa ka codsaday in si hagar la’aan ah ula shaqeey aan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suu daan ku dhaqan sidii ay isaga kaashan lahaa yeen kor ugu qaadi Sharafta qeybaha kala du wan Soomaalida ku dhaqacan Dalka Suudaan mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka

      Aqoonsiga Shalay loo Aqoonsaday Safiir Maxamed Isxaaq ayaa waxaa ku wehlinayay Tiro Safiira ah kuwaa oo ka kala socday Wad amada Caalamka Qeybahooda kala Duwan.

Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doo rashooyinka Oo La Kulmay M/Wey ne Xaaf

   Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Shalay kulan kula qaatay  magaaladda muq disho madaxweynaha Gal mudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo  golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay mad axweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ah aa dhagaysi iyo talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka.

     Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaa rinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Gol aha Shacabka,isagoona uga mahadceliyay juh diga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga do orashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyado oda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doo rashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Ab uukar Xaaji {Eng.carab} ayaa uga mahad celi yay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug inay guddiga ga ogolaadaan in ay kulan wada tashi ah oo la xarrriiro sharciga doorashooyin ka qaranka ay wada yeeshaan.

     Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashoo yinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay mad axweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhiba anadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Madaxweynaha Ruushka oo Shimbir hadiyad uga dhigay boqorka Sacuudiga

     Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz hadiyad ahaan ugu geeyay Shimbir  nooc eeda uu dhif yahay oo la ga helo waddanka Ruu shka oo kaliya.

Shimbirtan oo u eg sida gorgorka ayaa lagu magacaabaa Arctic falcon, ama gyrfalcon, wax aana laga helaa gacanka Kamchatka ee ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka.

Waxaa jira kumannaan xabo oo ka mid ah shimbirkan, wuxuuna halis ugu jiraa inuu dabar go'o.

   Muuqaal lagu shaaciyay telefishinnada ruu shka iyo Sacuudiga iyo qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa laga arkayay boqor Salmaan oo u muuqda inuu aad ula dhacsan yahay hadiyadda qeyrul caadiga ah.

     Booqashada uu Putin Isniintii ku tagay    Sacuudiga ayaa ahayd mid qeyrul caadi ah, waana tii ugu horreysay ee uu halkaas ku gaaro tan iyo sanadkii 2007-dii.

Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha Ruushka uu Sacuudiga uga sii gudbo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, si uu usii xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya dalalka bariga dhexe.

      Intii kuu ku sugnaa Riyaad Sacuudiga wuxuu madaxda boqortooyada Sacuudiga kala hadlay arrimo badan oo khuseeya cilaaqaadka labada dal iyo wadashaqeynta dhinacyada siy aasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga saliidda.

       Qodobbada uu sida gaar ah ugala hadlay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga waxaa ka mid ahaa amniga gobolka, khaasatan cadawtooya da u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta carabta. Suuriya iyo Yemen

     Wakaaladda wararka Sacuudiga ee maga ceeda loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha kulmay ay ka wada hadle en arrimaha kasoo cusboonaaday dalka Suur iya, halkaasoo Turkiga uu ka billaabay howlgal milatari oo weerar ah, xuduuddana uu uga gudbay.

     Sidoo kale waxay isla soo qaadeen dagaal ka ka socda Yemen, oo Sacuudiga iyo xul afadiisu ay kula dagaallamayaan Xuutiyiinta tan iyo sanadkii 2015-kii.

     Afhayeen u hadlay madaxtooyada Moscow ayaa sheegay in Putin uu sidoo kale boqorka Sacuudiga iyo dhaxal sugahaba kala hadlay arrimaha ku saabsan qiimaha saliidda.

Ruushka ayaa la ogyahay inuu xulafo dhow la yahay Dowladda Iiraan, oo lagu eedeeyay inay mas'uul ka ahayd weerarkii lala beegsaday warshadaha saliidda ee Sacuudiga, inkastoo arrintaas ay beenisay xukuumadda Tehran.

     Sidoo kale Ruushka ayaa si buuxda u garab istaagay madaxweynaha Suuriya Basha ar Al Asad, halka Sacuudiguna ay taageeraye en xoogagga mucaaradka Suuriya ee damac sanaa inay xilka ka tuuraan Asad.

    Mareykanka oo ay si weyn isaga soo horje edaan Ruushka ayaase dhinaca kale la safan Sacuudiga iyo xulafadiisa kale ee Carabta.

Hase yeeshee booqashada uu Putin ku marayo dalalka Kahliijka ee isgarabsada ayaa qeyb ka ah dagaalka uu Ruushka ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo xiriirkii uu horay ula lahaa waddamadaas.

 


Taliska Xoogga Oo Beeniyay In Ciidanka Dowladda Ay Ka Baxeen Deegaanka Ceelka Geelow

      Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee Ci idanka Xoogga dalka Janaraal Saalax Mu umin Muuse (Saalax yacquub) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa beeniyay war arka sheegaya in Ciidamada ay ka soo baxe en deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Bal cad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

     Taliyaha ayaa sheegay in uu hadda ku su ganyahay mid ka mid ah deegaannada ee la sheegay in Ciidamada dowladda ay iskaga baxeen, kuwaasoo uu ka mid yahay deega anka Ceelka Geelow,isagoo sheegay in ay sameeyeen ilaa 5 koontarool oo Ciidamadu ay ka sugayaan ammaanka Wadadda u dha xeysa Jowhar iyo Balcad.

      Sidoo kale Janaraalka ayaa shacabka ku nool deegaanadaasi uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada DFS.

   Janaraal Saalax Muumin Muuse ayaa tilm aamay inay Ciidamadu isku diyaarinayaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab,isagoona sheegay in howlgal ay ku doonayan inay ku qabsadaan deegaano horleh

     war qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku shegeen in ay la wareegeen ceelka Geelow oo kaabiga ku haya Qalimow,kadib markii halkaas ay isaga baxeen ciidanka DFS.

Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Oo La Soo Taagayo Maxkamad

      Markii ugu horreysay Madaxweynihii ho re ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago, iy adoo loo heysto in ka ba dan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jiraan arimo musuqmaasuq ah iyo wax isdaba marin.

     Zuma waxaa ka mid ah eedeeymaha loo jeediyay qaadashada lacago laaluush ah o uu ka helay qandaraas gaaraya 3.5 bilyan oo dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yurub ah,kuwaa oo ka ganacsada iibinta diyaaradaha ,doomanka loo isticmaalo ilaalada iyo qalab milet eri.Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaa yey Zuma  in lagu joojiyo dacwadaha loo heysto , ayaa waxaa Shalay la horkeeni doo naa maxkamada sare ee dalka K/Afrika, isa goo ku eedeysan sida la sheegay kasba shada afar milyan oo Rand ($ 270,000

     Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ayaa ku qasbay in uu iska casilo jagada madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay kadib sagaal sano oo uu xuk unka hayey,

      Isbuucii la soo dhaafay ayeey aheyd in uu horyimaado maxkamad,sidaa daraadeed, Sarkaal maxkamadeed ayaa saadaaliyay in bilowga howsha maxkamadeyta ay u badna an doonto rafcaan ka qaadashado la xiriirta go-aanada maxkamadda.

Doon u rarneyd ganacsato Soomaal iyeed oo quustay

     Doon usoo socotay magaalada Boosa aso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku de gtay xeebaha badweynta Hindiya.

Doontan oo laga lahaa dalka India ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribn imadii shalay ay ku degtay meel u dhow dek edda Salala ee dalka Cuman.

      Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan.

Shixnada ay  Doondan siday oo isugu jiray Raashin iyo Bakaash ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay baaba'een hantididii saarn eyd oo lagu waayay biyaha Badda.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay u degto Dooni ganacsato Soomaali yeed u sida Badeecooyin kale duwan ku waa oo intooda badan ku sii jeeda deegaan nada Puntland.

Khamrigii ay qabteen Booliska Dhuusa mareeb oo la burburiyey

      Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nab ads ugida Galmudug ayaa M/ Dhuusa mareeb ku bu rburiyey Khamri farabadan oo la gu soo qabtay howlgal ay Ciidamada ka fuli yeen Xaafado ka tirsan Magaalad aas.

     Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadw eyne fa rabadan ayaa lagu burburiyey dhal ooyin uu ka buuxay khamriga.

      Howlgalka lagu soo qabtay khamrigaas iyo dad ka Ganacsanayey ayaa Shalay waa berigii hore waxaa ay Ciidamada ka same eyeen Xa afado ka tirsan Magalada Dhuusa mareeb oo ay saraakiishu sheege en inay u aheyd bar tilmaaeed gaar ah.

     Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo ku wa NISA ee Magalada Dhuusamareeb oo ha dal ka jeediyey goobta lagu burb uriyey dhal ooyin ka Khamriga ayaa waxaa ay sheege en in ay soo qabteen saddex ru ux oo ahaa dadkii lah aa,isla markaana ay cadaaladda horgeyn doon aan.

Dowladda Qatar oo si toos ah u difaacday howlgalka Turkiga ee Syria

    Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-ya hannada Kurdish-ka ee Wa qooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortag to "halis kusoo wajah neyd”.Turkey ayaa Qatar ka caawisay inay ka bad-baaddo saameynta xayiraadda dhaq aale ee laba sano jirsatay ee ay saareen   xulufo Sacuudiga uu hoggaamiyo.

      "Eedda oo idil ma saari karno Turkey” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Ja ssim Al-Thani oo ka hadlay kulanka Mad asha Amniga Dunida ee lagu qabtay Doha.

Wasiirka ayaa sheegay in Ankara lagu qasb ay inay ka jawaabto "halis lama huraan ah oo kusoo wajahneyd amniga Turkiga”.

"Markii hore Turkey waxay tiri ‘ha teegeerin na kooxahan’,” ayuu yiri Mohammed isaga oo ula jeeda kooxda YPG ee Kurdiyiinta Syria.

     "Cidna ma dhageysan. Waxay isku daya yeen muddo sanad ah in ay arrintan  xal kala gaaraan Mareykanka, oo ay abuuraan aag amni, si ay halista uga  dhaqaajiyaan xuduuddooda.”

      Ankara ayaa sheegta in YPG ay tahay "garab argagixiso” oo ku xiran kooxda dalka as laga mamnuucay ee PKK, oo tan iyo san addii 1984-kii wadday dagaal muqaawamo oo ka dhan ah dowladda Turkiga.

"YPG iyo garabkeeda siyaasadeed ee PYD waa laan ka mid ah PKK, oo ay urur argagixiso u aqoonsan yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Turkey – iyo cid walba” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar.

Xisbiga WADDANI oo dalbaday in laga saaro komishanka cusub ee doorashooyinka laba xubnood

Gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu cabasho ka muujiyey laba xubnood oo lagu soo daray guddida doorashooyinka ee cusub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip