Qeybtii u horeysay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo maanta ka dhoofeysa Kismaayo

0
Tuesday October 15, 2019 - 17:31:54 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybtii u horeysay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo maanta ka dhoofeysa Kismaayo

    Iyadoo xalay xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay magaalada Kismaayo wafuudii kala duwanaa ee ka qeyb gashay xafladii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta waxaa la filayaa in qeybtii u horeysay ee wafuuda inay ka ambabaxaan Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo xalay xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay magaalada Kismaayo wafuudii kala duwanaa ee ka qeyb gashay xafladii caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta waxaa la filayaa in qeybtii u horeysay ee wafuuda inay ka ambabaxaan Kismaayo. Sida ay sheegayaan wararka wafuudan maanta ka baxeysa magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo dib ugu laabanaya magaalada Garowe. Waxaa kaloo la filayaa in wafuuda kale ee ka yimid Muqdisho inay iyana maanta aadaan Muqdisho, hase ahaatee wafdiga ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ayaa sii joogaya. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Kismaayo ka socday shir wadatashi ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada, siyaasiyiinta iyo madaxdii hore, waxaana shirarkan looga hadlayay sidii isku aragti iyo hal mowqif looga qaadan lahaa xaalada dalka iyo halka uu ku socdo. Inkastoo kulamadan aan weli wax war ah laga soo saaray, hadana waxaa lagu balamayo kulamo kale in la isugu yimaado, isla markaana la qorsheynayo in kulan kale uu ka dhaco magaalada Garowe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip