Axmed Madoobe oo Markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadalka DFS

0
Tuesday October 15, 2019 - 17:20:56 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadalka DFS

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay khubad ka jeediyay kulan sagootin iyo mahadcelin ah uu u sameeyay Masuuliyiintii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saarkiisa. Axmed Madoobe ayaa Khudbadiisa uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay khubad ka jeediyay kulan sagootin iyo mahadcelin ah uu u sameeyay Masuuliyiintii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saarkiisa. Axmed Madoobe ayaa Khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo qeyb ka tahay Xaalada siyaasadeed ee dalka haatan uu maro iyo arrimo wadahalka dowladda.Madaxweynaha Jubbaland ayaa markale ku celiyay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo dib u heshiisiin dhexmarta dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo Khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin cid walba oo Maamulka Jubbaland wax ka tabaneysa inay kul kala baxaan miiska wada hadalka iyo sharciga dalka u yaalla.

"Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”.ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee haatan talada dalka heysa aan looga baahneyn inay ku fikiran muddo kordhis,isla markaana looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka..

adaxweyne Axmed Maxamed Islaan ayaa yirin ” Madaxda dowladda dhexe maaha inay ku fekeraan mudo kordhis waa inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka”.



Si kastaba dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf Xoogan,iyadoona dowladda Doorashii uu ku baxay Axmed Madoobe ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip