Mohamed Salah Oo Siyaasada Cakiran Ee Masar Iyo Qatar Ku Seegi Kara Koobka Kooxaha Adduunka

0
Saturday October 12, 2019 - 23:36:08 in Wararka by
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah Oo Siyaasada Cakiran Ee Masar Iyo Qatar Ku Seegi Kara Koobka Kooxaha Adduunka

    Kooxda Liverpool iyo jamaahiirteeda ayaa qaba cabsida ah in garabka kooxdooda ee Mohamed Salah uu siyaasada bariga dhexe ee u dhaxaysa dalkiisa Masar iyo Qatar ku seego tartanka Koobka Kooxaha Aduunka. Tartanka Koobka Kooxaha Aduunka ayaa bisha De

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool iyo jamaahiirteeda ayaa qaba cabsida ah in garabka kooxdooda ee Mohamed Salah uu siyaasada bariga dhexe ee u dhaxaysa dalkiisa Masar iyo Qatar ku seego tartanka Koobka Kooxaha Aduunka. Tartanka Koobka Kooxaha Aduunka ayaa bisha December ka qabsoomi doona dalka Qatar waxaana xusid mudan in dhawaan dalka Masar ee uu Mohamed u dhashay ay xidhiidhka dublimaasiyadeeda u jareen dhigooda Qatar sanadkii 2017.

Iyadoo ay sidaas tahay dhawaana laga warqabo in inbadan oo kamida siyaasada lagu lifaaqay kubadda cagta ayay Liverpool oo war cad doonaysa arrimo ku saabsan ogolaanshaha Salah ee galista dalkooda waydiisay Qatar.

Sida ay haatan xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwani, Ilo sarre oo la isku halayn karo kana mid ah madaxda Qatar ayaa Reds ku wargeliyay inaysan wax xad gudub ah samayn doonin Salah-na loola dhaqmi doono si lamid ah asxaabtiisa Liverpool.

27 jirkan ree Masar ayaa hore dhawr jeer u booqday dalkaas oo uu ugu tagay saaxiibkiisa hore xulka Masar usoo matalay ee Mohamed Aboutrika oo falanqeeye ka ah kanaalka Sky Sports.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa xusid mudan in dhibaatooyin siyaasadeed ay hadheeyeen kubadda cagta haatan waxaana mida ugu dambaysay ee ugu caansani ay tahay Mesut Ozil oo xulka Germany ku qabsaday sawir uu la galay madaxweynaha dalkiisa rasmiga ah ee Turkey-ga Recep Tayyip Erdogan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip