War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed (Aqriso)

0
Thursday October 10, 2019 - 23:39:28 in Wararka by
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed (Aqriso)

    Golaha walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed oo ah Gole kulmiya qaybo badan oo kamid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed oo nooc walba ah ayaa waxa uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shirweynihii koobaad oo looga doodayay qaabkii ay Soomaaliya wax uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha walaalaynta Ummadda Soomaaliyeed oo ah Gole kulmiya qaybo badan oo kamid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed oo nooc walba ah ayaa waxa uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shirweynihii koobaad oo looga doodayay qaabkii ay Soomaaliya wax uga baran lahayd waaya-aragnimada dadka reer Ruwanda, kuwaasoo soo maray dagaallo sokeeye oo ka adag, kana kulul kuwii ina soo maray. Dood-cilmiyeedkan oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Dalladaha Waxbarashada, Dhalinyarada,Dumarka, Culumada,Golaha Abwaannada iyo Ganacsatada ayaa gunaanadkiisii waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan.

War-murtiyeedka Golaha Waalaynta Ummadda Soomaaliyeed

  1. Golaha waalaynta Ummadda Soomaaliyeed wuxuu dadkeenna ugu baaqayaa Alle ka cabsi, is-cafin iyo inay ka tawbad-keenaan dhammaan wixii godob iyo gabood-fal ah ee dhex-maray.
  2. Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa meel kasta oo ay dunida ka joogaan in la mideeyo, lana taageero dadaallada nabadaynta iyo walaalaynta ee ay wadaan xil-kaska Ummadda Soomaaliyeed ee sida teelteelka ah uga socda meel walba oo ay Soomaali joogto.
  3. Waxaan bulshada Soomaaliyeed xasuusinaynaa in la joogo xilligii kali-kali iyo koox-koox la isugu xilqaami lahaa soo afjaridda dhibaatada qabyaaladda iyo qabiil iskugu faanka ee ina ragaadisay, qayrkeenna inaka reebtay iyo in
  4. loo guntado qarannimo iyo soo celinta, sharafkii, haybaddii iyo karaamadeennii luntay.
  5. Waxaan bulshadeenna ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan Eexda, Qabyaaladda, Cadaalad-darrada, isquursiga iyo Danaysiga oo ah cudurro dilaa ah oo tirtira qiyamka iyo qarannimada.
  6. Waxaan dadkeenna ugu yeereynaa inay ka gudbaan xaaladda aan ku jirno ee col iyo nabad midna aysan ahayn, wax lagu wada joogo iyo wax lagu kala tagana aan la garanayn.
  7. Waxaan hoggaanka bulshada ee isugu jira hoggaanka diinta, kan siyaasadda, kan dhaqanka, kan ganacsiga, aqoonyahanka iyo qurbajoogta ugu baaqaynaa inay isu yimaadaan, curiyaanna hal-abuur qaran oo looga tallaabsado mushkiladaha is biirsaday ee qoloba qolo ku eeganayso.
  8. Waxaan ugu baaqaynaa qabaailka Soomaaliyeed ee ay ka dhexeeyaan dhiillooyinka colaadeed inay Ilaahay uga baqaan dhiigga xurmada leh ee ay u mashquulsanyihiin sidii ay isaga daadin lahaayeen, is-maandhaafkoodana ay ku xalliyaan si waafaqsan shareecada Islaamka iyo sooyaalkeenni wanaagsanaa.
  9. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Dawladda, maamullada Dawlad-goboleedyada iyo mucaaradka Alle kacabsi, isu turid, is tixgelin iyo in is-maandhaafkooda ay ku xaliyaan is hor fariisi, wada-hadal iyo isu tanaasul, annagoo xasuusinayna in la marayo marxalad xasaasi ah oo ay inoo yaallaan shaqooyin iyo difaac wadajir iyo midnimo u baahan, aysanna noo cuntamin inaan annagu isku mashquulno iyo in la wada ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo ma-hurtooyinka inaka dhexeeya.
  10. Waxaa nabad waarta Ummadda Soomaaliyeed ku gaari kartaa in inta waxgal ah aysan dibada ka fiirsan dhibaatada ka jirta dalka, qofkastana uu si dhab ah uga qeybqaato una istaago xalinta mushkilad Soomaaliyeed. 

Gabagabadii shirku waxa uu mahad gooni ah u celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha, si gaar ah taabageliyayaasha oo kala ah BECOIJABOSOMTEL iyo bahda warbaahinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip