Dhageyso: Axmed Madoobe "Kismaayo Looma Imaan Caleema-Saarka Oo Kaliya"

0
Thursday October 10, 2019 - 23:27:14 in Wararka by
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Axmed Madoobe "Kismaayo Looma Imaan Caleema-Saarka Oo Kaliya"

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo dhaweeyay Wafduud kala duwan oo Maanta gaartay halkaas,waxaana kamid ahaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Mas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo dhaweeyay Wafduud kala duwan oo Maanta gaartay halkaas,waxaana kamid ahaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo Mas'uuliyiin kale. Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlaayay soo dhaweynta Mas'uuliyiintii gaartay halkaas ayaa waxaa uu sheegay in Kismaayo aan loo imaan oo kaliya ka qeyb galka Xaflada Caleemo-saarkiisa oo dhawaan halkaas ka dhaceysa. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo loo yimid arrimo kala duwan oo kamid ah yihiin in wadahadal laga yeesho siyaasadda dalka iyo in Madaxda wax isweeydeyso iyo in la hadlo arrimo oo muhiim ah.

 
Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka,Hogaamiyaha Xisbiga wadajir iyoMadaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa halkaas horey ugu sugnaa Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale,kuwaasi oo dhammaantood Kismaayo uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hoos ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.

Audio Player
xigasho:-radiodalsan.com

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip