New York Times oo Wariye Bariga Africa uga soo warrama u qaadatay Abdi Daahir oo ah Wariye Soomaali-yeed

0
Tuesday October 08, 2019 - 19:02:22 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    New York Times oo Wariye Bariga Africa uga soo warrama u qaadatay Abdi Daahir oo ah Wariye Soomaali-yeed

    Cabdi Ladif Dahir oo ah Joornaliste Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wariyaha Wakaalada New York Times uga soo waramaya Bariga Africa, isaga oo fadhiggiisu noqonayo magalada Nairobi ee dalka Kenya. Sida laga soo xigtay New York Time Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Ladif Dahir oo ah Joornaliste Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wariyaha Wakaalada New York Times uga soo waramaya Bariga Africa, isaga oo fadhiggiisu noqonayo magalada Nairobi ee dalka Kenya. Sida laga soo xigtay New York Time Cabdi Daahir ayaa ka soo wareegaya Quartz International oo uu u shaqeenayay muddo ku dhan saddex sano ,isaga oo hadda toos uga mid noqonaya The New York Times, waxaana uu uga soo warrami doonaa Bariga Africa. ''Waxaan ku faraxsannahay Wariyaheena cusub ee The Times waxaa uu ka soo wareegayaa Quartz International, waxaa sidaa lagu sheegay shaacin ka soo baxday The Times. Wariyahan cusub ayeey ku tilmaamtay The Times in uu yahay nin dhalinyaro ah oo akhristayaasha u keenay sheekooyin xiiso leh oo wax ku ool, isaga oo gaar ahaa diirada saaray arrimaha ku saabsan isdhax-galka ganacsi ee Africa iyo Chine, kala guurka siyaasaddeed ee Itoobiya iyo Sudan, iyo arrimo la xiriira shirkaddaha iyo hal abuurnimada Qaarrada, beeraha ilaa laga gaaro farshaxanka oo uu wax ka qoray. Abdi Ladif Dahir ayaa ku dhashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hasse ahaatee nolashiisa qeyb ahaa waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip