Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad Maanta Ka Taagan Degmada Buulo-Burte

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:51:15 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisad Maanta Ka Taagan Degmada Buulo-Burte

    Wararka aan ka heleyno Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay xiisad ka taagan tahay. Xiisadan ayaa timid kadib markii xalay Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay xiisad ka taagan tahay. Xiisadan ayaa timid kadib markii xalay Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte iyo Duqii Magaalada. Cabdicasiis C/llaahi Duurow oo ahaa Guddoomiyihii Buulo-burte ayaa ka horyimid xilka qaadista lagu sameeyay,isagoona sheegay in uusan weli helin warqada kaga timid dhanka Wasaarada Arimaha Gudaha Hirshabeelle,isla markaana shaqada sii wadi doono. Sidoo kale Duqii Magaalada ee isna xilka qaadista lagu sameeyay ayaa waxaa uu xafiiskiisa la tegay Ciidamo hubeysan oo weli aan la ogeyn sababta keentay arrintaas.Dhinaca kale Guddoomiyaha sida KMG ah ee loogu magacaabay xilka Buulo-burte ayaa saakay isku dayay inuu bilaabo howlihiisa shaqo,hayeeshee is hor istaag ayaa lagu sameeyay. Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in xiisad kale ay ka taagan tahay Degmada Buulo-bute ed Gobolla Hiiraan,taasi oo ka dhalatay kadib markii muddo kooban hawada laga saaray Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xaruntii ay ku laheyd halkaas. Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan xiisadaan Maanta ka taagan Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip