Garsoor Gardaran oo Garab heley !!

0
Thursday February 18, 2016 - 15:26:46 in Maqaallo by
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoor Gardaran oo Garab heley !!

    Maalin maalmaha ka mid ah ayaa inaga oo ciyaal iskuul ah waxaan soo raacnay Bas, waxaa ka daarnayd Hees uu ku luuqeynayey Fanaanka Xasan Aadan Samatar, erayadeeda waxaa ka mid ahaa Waraf iyo Shinbirihii War isuma hayaan waaya aaragnimo la'aaneey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa inaga oo ciyaal iskuul ah waxaan soo raacnay Bas, waxaa ka daarnayd Hees uu ku luuqeynayey Fanaanka Xasan Aadan Samatar, erayadeeda waxaa ka mid ahaa Waraf iyo Shinbirihii War isuma hayaan waaya aaragnimo la'aaneey ba', waxaa la qaaday qaar ka mid ah

ardaydii Baska saarnayd, waxaa mar qura aamusiyey nin Baska wax ka saaraa markaas ayuu yiri. "War ma waxaad u malaynaysaan hees jacayl ah” waxa uu intaasi ku daray. "Waxaad ogaan doontaan 30 sano kadib waxa loola jeedo” waxa uuna sii daba dhigay "Adduun iyo Aakhira Hobollada Waaberi wax aanay ka hadlin ma lahan oo waxba ma aanay hanbayn”. Fanaaniinta Soomaaliyeed maanta waa ii halhays anigoo qadarin u haya. Dadyahow hayla yaabina dab baa iga baxaayee waxay ku jireen Hees ay ku luuqaysay Nimca Yaasiin, marka aniga oo ah qoraha maqaalkan yaan la ila yaabin sababtoo ah waxaan ahay nin yaabay, dab baa iga baxaaya, yaan la deg-degin, yaan la fududaysan erayadayda, waayo horaa loo yiri dheriga karka maxaa ka keenay? Jawaabtu waa kulaylka, waan kar karayaa waxaana aan ka gubanayaa sida uu yahay heerka cadaalada aynu maanta hoos joogno, waxaan ogahay in dad badani ii garaabi doono marka ay fahmaan dulucda sheekadayda, laakiin su’aashu waxay tahay sida ay wax u socdaan ma iska eeganaynaa mise waxbaan ka oranaynaa intii karaankeena ah?.

Dadka iyo Dalkuba Garsoorka ayey eegayaan!!

Yaanan ka hor dhicin, Todobadkii tegey waxaa Maxkamada Sare ee dalka gudoonkeeda ka soo yeeray in Xoghayaha Guud ee Saxafiyiiinta Soomaaliyed uu yahay Cumar Faaruuq Cismaan oo xilka laga qaaday sanadkii 2011-kii markii uu jagadaasi hayey mudo lix sano ah laga soo bilaabo 2005-tii.

Dad badan ayaa la yaabay sida Gudoonka Maxkamada Sare xukunka u ridey waxayna is waydiiyeen xukunka aan soo marin Maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad ee dalka ee halkii ugu saraysey laga soo bilaabay sida uu Qaanunka ugu salaysan yahay, waxay kaloo la yaabeen xukunka hal dhinac loo ridey iyadoo aanay labada dhinac ee is haya midkood xaadir ahayn, waxaana mucjiso iyo lama maqlaan ahayd in ridista xukunka Maxkamada Sare si horudhac ah loogu shaaciyay baraha bulsada.

Maalintii xigtey xukunkaasi waxaa ka hadlay Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo wax lala fajaco ku timaamay xukunka Maxkamada Sare ka soo baxay, waxa uuna codsaday in dib u eegis lagu sameeyo xukunka la ridey, hadalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka waxaa aad uga carooday Gudoonka Maxkamada Sare waxaana isagoo ka hadlaya TV-ga Qaranka uu yiri. "Garyaqaanka Guud ee Qaranka waxaan u malaynayey inuu sidaasi ka roon yahay oo uu sharciga wax ka yaqaano, waxaan u malaynayaa inuu daaqada ka soo galay” Gudoonku waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri "Xukunka anigaa gaadhey, xukun aan gaadhayna meel danbe oo loo celiyaahi ma jirto, waa sidaan xukunka u gaadhey” waxaa la waydiiyey xukunka uu gaartey in uu hal dhinac u xagliyay iyo in kale, waxa uuna yiri isagoo aan jawaabta su’aasha la weydiiyay abaarin "Wasaaradu xaq uma laha iney arrimaha Saxafiyiinta fara geliso waana taas tan aan anigu mar walba diidanaa, sidaa darteed labada dhinac ee isku haya Madaxtinimada NOSUJ xilkii waa ka dhamaaday ee waa iney is xaliyaan”

Waa yaabka yaabkiis! Xaajadu waxay maraysaa Shiikhii la yiri "ALIF WAX BUU LEEYAHAY IYO WAX MA LEH LABADANA ADIGAA LAGAA HAYAA EE XAL KEEN ?. Dad badan ayaa si uun ugu garaabi kara xukunka Maxkamada Sare maadaama laga yaabo in aanay ka war haynin is jiid jiidka hogaanka Saxafiyiinta u dhexeeya tan iyo markii Cumar Faaruuq xilka laga qaaday. Waxaana lagu micnayn karaa xukunka Maxkamada Sare iyadoo maanta madaxtinimada dalka loo xukumo Madaxwayne Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo la eryo Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.!

Wasiir tan lagaama filayn!!!!

laakiin waxaa taasi ka sii yaab badan oo aan loo garaabi karin hadalkii ka soo yeeray Wasaarada Warfaafinta ee ahaa in aan la sheegan karin xilka madaxtinimada NUSOJ! Ninbaa hore u yiri halkaan roob ka sugaayey miyaa ceryaamo ka timid?, waa meeshii la lahaa iyadaa wax kala caddayn doonta haddii la is qabsado, taasi macnaheeda waxaa loo fasiri karaa siyaabo badan? Tan hore waxaa la is oran kara Wasaaradu lamaba socoto xaalada iyo duruufaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala firirsan dalka oo dhan waana mid lagu hungoobey Wasiirka loo magacaabay Wasaaraddooda. Tan kale waxaa loo fasiran karaa in aanay doonayn Wasaaraddu in la sii faaqido xukunkii Maxkamada Sare oo dad Soomaaliyeed oo badan dhakafaar ku noqday.

Waa ceeb ee ha is magacaabin!!

Waxaa kale oo ka sii yaab badan sheekooyinka aan kor ku soo xusay in aan maqlay maalin dhowayd waxaa la saaray gudi ka socda labada dhinac ee NOSUJ oo iyagu wax isku soo dhowaynaya, cajiib, indha adagaa! ma waxaa kefed wax loo wada saari karaa Dawaco iyo Libaax markaasaa la doonayaa iney wada qancaan, waa habeenkii xalay ahaa oo tegey, yaan cadaaladda laga tegin, oo yaan waqtiga la iska lumen, gudigaasi waa faashil, waxaan ula jeedaa, ma la is waydiiyey cidda soo magacowday mise iyagaa is magacaabay? Ma waxaa magacaabay Maxkamada Sare iyo Wasaarada Warfaafinta oo labadaba fari ku godan tahay go’aankooda, mise cid kale oo aan la garanayn, midkoodna ma maacaabi karo ismana magacaabi karaan ee waxaan leeyahay AWRKA YAAN SHAFKA LAGA RARIN! Oo aan Cadaaladda laga fogaan.

Gunaanadkii hadii aan la laalin ama aan raali gelin laga bixin go’aamadii sharaf dhaca ku ahaa Saxafiyiinta Soomaliyeed oo macnaoodu ahaa Saxafiyiintu masiirkooda kama hadli karaan ee sida gooni goonida ah uga soo baxay Maxkamada Sare ee Dalka iyo Wasaaradda Warfaafinta, xaajadu waxay u eg tahay in la yiri Ninba taagtii ha talaabsado, taaasuna caqli shaqeeya ma ahan, waxbana kama duwanin Caruurtii fahmi waydey macnaha Riwaayaddii Waraf iyo Shinbirihii War isuma hayaan!! Waxaana hubaal ah iney saamayn doonto dad badan oo maddax ah oo si sharci ah lagu soo doortay oo aan maanta dareensanayn sida wax u socdaan..

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle.


mail: Naasirx1@gmail.com
Mobile: 00252-615508978

xigasho:-somaliweyn



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip