Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Burburinta Dhaqaalaha Turkiga

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:45:47 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Burburinta Dhaqaalaha Turkiga

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan. "Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani'adamnimo" ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, "waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro." Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go'aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish. Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go'aanka madaxweynaha ayaa yiri "marnaba maya," isaga oo sheegay in tallabaadan "ay guul weyn u tahay Daacish."Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go'aanka madaxweynaha ugu yeeray mid "aragti gaaban iyo mas'uuliyad darro." Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. "Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad." Ayuu yiri.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip