HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA OKTOOBAR 2019-KA

0
Wednesday October 02, 2019 - 10:06:07 in Wararka by
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA OKTOOBAR 2019-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY TALIYE KUXIGEENKA CIIDANKA BOOLIISKA SOMALIA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY TALIYE KUXIGEENKA CIIDANKA BOOLIISKA SOMALIA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

 


faemaajojjjj

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Wararka 24Ka Saac Ee Radio Dalsan

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Fa rmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Ci smaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo Shalay oo Talaado ah 01da,

WASIIRKA A/GUDAHA KOONFUR GALBEED OO XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS SAMEEYAY

Waiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Gal beed Soomaaliya Maxamed Abuukar Ca bdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Gudd oomiye kuxigeenka Maamulka iyo ma aliyadda ee degmada Baydhabo ee Xarun ta Gobolka Baay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wa siir Maxamed Abuukar ayaa waxaa Yuusuf Barre Maxamed loogu magacaabay Gudd oomiye kuxigeenka Maamulka iyo maal iyadda Degmada Baydhabo,isagoo bedela ya Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmadaas Cabdifatax Cali Mursal.

Ugu dambeyntii Yuusuf Barre Maxamed ayaa waxaa la faray in xilkiisa uu u guto si cadaalad ah.

Waiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ma amul Cusub u magacaabay Degmada Bay dhabo ee Xarunta Gobolka Banaadir ahna Caasimadda KMG ah ee dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed Soomaa liya.

Hoos ka AkhrisoWareegtada magacaabista.

W

DOWLADDA SOOMAALIYA OO HORUMAR KA SAMEYSAY CANSHUUR URUURINTA

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tir san Wasaaradda Maaliyadda Xukuumad da Federaalka Soomaaliya, Wasaaraddu wax ay si xowli ah u aruurineysaa can shu uraha barriga iyada oo ay jiraan caqabada badan oo ku hor gudban aruurinta cansh uurahaasi.

Markii aan xafiiska qabanayay bishii Agoosto 2014kii xafiiskan si fiican uma shaqeyneyn, kaliya $30,000 ayaan bish iiba ka aruurin jirnay magaalada Muq disho” ayuu yiri Muxudiin Xassan Jurus oo wareysi siinayay Wargeyska Anadoolu ee ka soo baxa dalka Turkiga.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda ma aliyaddu ay la kulantay ganacsatada kana dhaadhicisay faa’iidooyinka ay leedahay canshuur bixinta.

"Haatan wax aynu Muqdisho kaliya ka aruurinaa 7 illaa 9 milyan oo doollar” ayuu yiri Muxudiin Jurus

Wax uu sheegay in waaxda canshuuraha barriga ay la shaqeeyaan booliis gaar ah oo ka caawiya soo aruurinta canshuuraha laga qaado ganacsiyada ku yaalla mag aalada Muqdisho.

Boqolaal shirkad oo gudaha iyo dibad daba ku yaalla ayaa ganacsiyo hor leh ka furtay magaalada Muqdisho, shaqaalaha ka howlgala ganacsiyadaasna waxaa mu shaarkooda bil walba laga jaraa canshuur.

Dakhliga laga aruuriyo magaalada Mu qdisho waxaa toos loogu hagaajiyaa Was aaradda Maaliyadda Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya taas oo iyaduna ka bixisa mushaaraadka shaqaalaha rayidka kana dhista jidad, iskuullo iyo xarumo caa fimaad.

Agaasinka Waaxda Canshuuraha ba rriga ah oo ka hadlayay caqabadaha hor yaalla soo uruurinta canshuuraha ayaa sheegay in mararka qaar ay alShabaab beegsadaan shaqaalaha Wasaaradda ee qaabilsan canshuur aruurinta.

Soomaaliya muddo labaatan sano ah dowlad la’aan aheyd ayaa hadda dowladni madeedii dib u soo hagaageysaa dakhliga dowladda ee dhanka canshuuraha ayaa sanadba sanadka ka danbeeya sii kor dhaya dowladuna wax ay awood u yeel atay bixinta mushaarka shaqaalaha iyo gaarsiinta bulshada ee adeegyada aasaa siga ah.

WIIL UU DHALAY JAMAL KHAASHUQJI OO DIFAACAY BOQORTOOYADDA SACUUDIGA

J-1-750x430Wiilka suxufiga reer Sacuudi ee la dilay ee Jamal Kha ashuqji, kaasi oo beeniyey in uu heshiis laca geed la gaaray dowla dda, ay aa Shalay aad u difaacay boqort ooyada, ka hor sanad guuradii koowaad ee dilka.

Khaashuqji oo ahaa xogogaal ku dhexjiray qoyska boqortooyada balse ka dib isubeddelay dhalleeceeye – ayaa 2dii October 2018 lagu dhexdilay gudaha qun suliyadda Sacuudiga ee Istanbul, howlgal ay fuliyeen 15 sarkaal oo laga soo diray Ri yadh. Meydkiisa illaa iyo hadda lama helin.

11 ka mid ah dadkaasi oo la aqoons aday ayaa maxkamad ku wajahaya Riy adh, ayada oo shan ka mid ah ay waj ahayaan ciqaab dil ah.

Saalax Khaashuqji ayaa sheegay inuu "kalsooni buuxda ku qabo” hanaanka ca daaladda Sacuudiga, wuxuuna weeraray mucaaradka oo uu sheegay inay ka faa’I ideysanayaan kiiskan.

"Sanad ayaa kasoo wareegtay geeridii aabahay aan jeclaa. Muddadan, mucaar adka iyo cadowga Bariga iyo Galbeedka waxay isku dayeen inay ka faa’iideystaan kiiska…si ay u waxyeeleeyaan dalkeyga iyo hoggaanka” ayuu ku yiri tweet.

"Ma aqbali doono in xusuustiisa iyo kiiska laga faa’iideysto” ayuu yiri Saalax oo deggan Sacuudiga.

"Aad ayaan ugu kalsoonahay hanna anka cadaaladda boqortooyada iyo awo odda ay uleedahay inay cadaaladda mar iso kuwii fuliyey dambigan aadka u xun” ayuu yiri.

Wargeyska Washington Post ayaa 1dii April weriyey in caruurta Khaashuqji, oo uu Saalax ku jiro la siiyey guryo malaayiin dollar ku fadhiya, islamarkaana ay mas’u uliyiinta u qoreen kumanaan dollar bil walba.CIAda iyo ergeyga gaarka ah ee QM ay aa labaduba si toos ah dilka ula xiriir iyey dhaxalsugaha Sacuudiga Maxa med Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu been

iyey.

SOMALILAND OO AMMAR CUSUB KU SOO RO GTAY GOBOLLADA AWDAL IYO SELEL

Xukuumada Somaliland ee uu hogaam iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Shalay soo saartay amar ay ku hakinayso dham maanba sharciyeynta dhulbeereedka gob olka Selel iyo degmada Lughaya ee gob olka Awdal

Axmed Muumin Seed, Wasiirka hor umarinta beeraha Somaliland ayaa soo saaray wareegtadaasi lagu mamnuucayey sharciyeynta dhulbeereedka, isagoona Mas’uuliyiinta iyo laamaha amaanka gobo ladaasi ku amray inay dhaqan galiy aan wareegtadan.

Wasiirka ayaa waxa uu wareegtadiisaa si ay si gaar ah ugu socotay Guddoomiye yaasha gobolada Awdal iyo Selel, isla mar kaana uu ku wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyey dhamaan sharciyeynta dhulbeer eedka goboladaasi, ilaa iyo amar dambe oo ka soo baxa wasaaradiisa.

Wareegtada wasiirka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Caasimada Online, oo si gaar ahna ugu socotay Madaxda gobola daasi, ayaa waxa la filayaa inay daba soc oto xiisado coladeed oo ka taagan dee gaanadaasi.

Deegaanadaasi uu wasiirku ka mam nuucay sharciyeynta dhulbeereedka ayaa waxa maalmihii u dambeeyay ku muran sanaa beelo wada daga, kuwaasi oo mu ran beereed xoogani ka dhaxeeyay.

MADAXA XUKUUMADDA GALMUDUG OO LA KULMAY SARAAKIIL KA SOCOTA AMISOM

Madaxa Xukuumadda Galmudug She ekh Maxamed Shaakir ayaa Shalay Xafi iskiisa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiil ka socota AMISOM gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobolka Hiiraan

Kulanka u dhexeeyay Sheekh Shaakir iyo Saraakiisha AMISOM ayaa waxaa diir ada lagu saaray arimaha Amaanka ee Go balka,sidii iskaashi looga yeelan lahaay iyo sidii loo xareyn lahaay Deegaanada ga canta ugu jira Alshabaab

Saraakiiisha katirsan AMISOM ayaa Madaxa Xukumadda Galmudug ugu mahad celiyay halgankii Nabada Gobola da Hiiraan Galgaduud iyo Mudug oo ay ka ga Xoreeyeen Alshabaab maamulkii Ahlu sunna Waljameeca ee lagu biiriyay Galmu dug.

Dhinaca kale Madaxa Xukumadda Gal mudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha AMISOM ugu Ma had Celiyay Taageerida ay siiyaan Ciida mada Soomaalida ee Dagaalka kula jira Alshabaab iyo waliba doorkii ay qaateen in Deegaano badan laga xoreeyo Alsha baab.

WASIIR SABRIYE OO KULAN LA QAATAY TALISKA QEYBTA 21AAD EE CXD

Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Taliy aha Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidammada AMISOM qeybta Hiiraan oo Dhuusamareeb uu Kul may ayaa ka wada hadlay Xoreynta deeg aannada Alshabaab uga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Sooma aliya Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la yeeshay Taliyaha qeybta 21aad ee Ciid anka Xoogga dalka iyo Taliyaha AMISOM qeybta gobolka Hiiraan ayaa kala hadlay sidii Alshabaab looga xureyn lahaa deega annada fara ku tiriska ah ee ay kaga sug anyihiin maamulka Galmudug.

Taliyeyaasha ayaa wasiirka kaga warbi xiyay xaaladda amni ee deegaanada Gal mudug,iyagoo sheegay in ay wadaan how lgallo Alshabaab looga saarayo deegaan ada ay kaga sugan yihiin dowlad Gobol eedka Galmudug.

JUBBALAND OO WAR KASOO SAARTAY SHIRKA KA FURMAY MUQDISHO

Maamulka Jubbaland ee Hoggamiyo Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Ma xamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hor yimid shirka Shalay Magaalada Muq disho ugu Furmay Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/ra shiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Shalay kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeybgaleen.

Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jub baland,hayeeshee Baraha Bulshada kali ya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maa liyadda,hayeeshee ay aheyd in la cas uumo Madaxweyne Axmed Maxamed Isla am (Madoobe).

"Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulsha da ayaa ka aragnay, mida labaad Casuu maada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la cas uumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Was iirka Maaliyadda la casuumay oo matali do ono arrin sax ah ma ahan” ayuu yiri wasiir Qalinle. Waxaa uu sheegay in aanay wa xba ka qabsoomin waxyaabihii lagu he shiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanad kii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanad kii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shi rka SPF ee ka furmay Muqdishoaa nu ogeyn waxa lagu heshiin karo iya doo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb gale yn. Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubba land ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Ma dasha Iskaashiga ee Muqdisho ka fur may ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhan keeda ay qaadacday Shirkaaasi.

XISBIYO SIYAASADEED OO MAGAALADA MU QDISHO UGA DHAWAAQAY ISBAHEYSI CUSUB

Magaalada Muqdisho ayaa Shalay wa xaa Shir xasaasi ah ku yeeshay Madaxw eyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbayada siyaasade ed ee dalka ka jira iyo siyaasiyiin Caan ah.

Shirka ayaa ka qeyb galay Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Ax med iyo inta badan Madaxda Xisbiyada siysaadeed,isla markaana waxaa lagu qabtay Guriga Sheekh Shariif.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaad ay ka dib ayaa lagu dhawaaqay Madasha Xisbiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin qa ar kamid ah Xisbiyada Siyaasad ee dalka ka jira,waxaana ka soo muuqday Mad asha Cusub ee Xisbiyada Madaxweyneya ashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada Siyaasad da ee lagu dhawaaqay ayaa waxaa Afhay een KMG loogu magacaabay Xildhibaan hore C/latiif Muuse Nuur (Xildhibaan San yare) oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ee dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba Dadka siyaasadda falanqeya ayaa sheegaya in mowjadaha siyaasade ed ee uu dalku galay ay hordhac u yihiin Doorashada sanadka 2020/21.

RW KUXIGEENKA DALKA "SOMALIA WAX AA AY SAMEYSAY HORUMAR DHINACYO BA DAN SANADIHII U DAMBEEYAY”

Ra’iisulwasaare kuxigeenka dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Ma hdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si ra smi ah u furay Madasha Iskaashiga Soom aaliya oo markii ugu horreysay lagu qabt ay magaaladaMuqdisho.

Shirka oo socon doona muddo laba ci sho ah waxaa looga hadlayaa arimo ay ka mid yihiin Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo ari maha Bulshada,iyadoo ay ka qeybgalaya anwakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caa lami ah.

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna is la qireen in Soomaaliya sameysay hor umar dhinacyo badan sanadihii u dambe eyay. Shirka Madasha Iskaashiga,waa mar kii ugu horeysay ee lagu qabto M/Muq disho,ka dib markii DFS ay ku guuleysatay dhameystirka adegyada lagamamaarka ah

AMNESTY OO MAREYKANKA KU EEDEYSAY IN DUQEYMAHA SOOMAALIYA AY KU DILEEN DAD RAYID AH

Hay’adda Amnesty International ee Xuquuqda Aadanaha ayaa Mareykanka ku eedeysay in duqeymaha uu inta badan ka fuliyo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

AMNEST INTENAIONAL

War ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in baaritaanno ay sameey een lagu ogaaday in weerar dhacay 18kii Maarso lagu dilay saddex qof oo rayid oo AFRICOM ku tilShalayy in ay ahaayeen xagjir ka tirsan alShabaab.

Amnesty ayaa sheegtay in ay diiwaan galiyeen in ka badan dhowr iyo toban kiis oo dad aan waxba galabsan lagu dilay wee rarada cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

Amnesty waxay sheegtay inay war eysi la yeelatay 11 qof oo goobjoog ka ahaa weerarkii 18kii Maarso, oo ay ku jir aan dad la shaqeeya ragga duqeynta lagu dilay iyo qaar ka tirsan qoysaskaka ragga la dilay markii gaarigooda lagu dhuftay gantaal xilli ay ku sugnaayeen gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo caddeeyay in saddexda marxuum aanay wax xariir ah la lahayn alShabaab.

Qoraalka Amnesty ayay hay’addu ku sheegtay in dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya looga fadhiyo in ay baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu same eyo duqeyntan, sidoo kale ay xaqiijiyaan in cid kasta oo ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada lagula xisaabtamo, isla markaana magdhaw la siiyo qoysaska dhibbanayaasha iyo in la hi rgeliyo hannaan waxtar leh oo lagu xaqiij inayo in si badqabta ay dadka u sheegi karaan khasaaraha rayidka ka soo gaara hawlagallada millateri.

Tan iyo billowgii sanadkan Mareykanka ayaa sare u qaadday weerarrada diyaar adaha aan duuliyaha laheyn ee ay ku be egsadaan kooxaha alShabaab iyo alQaacida ee dagaalka kala horjeeda dowl adda Soomaaliya.

Taliska howlgalka Mareykanka ee AFR ICOM ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku beegsada kooxaha mayalka adage ee dagaalka kala horjeeda ciidamada Dowlad da Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee Afrika.

SHIRKA CAALAMIGA EE ISKAASHIGA SOOMA ALIYA OO KA FURMAY MUQDISHO

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goo rdhow ka furmay Shirka Iskaashiga Caa lamiga ah ee Soomaaliya oo markii u hor eysay lagu qabanayo dalka, Iyadoona amaanka Magaalada aad loo adkeeyey.

Shirkaan ayaa lagu qaban jiray dalka diba diisa gaar ahaan dalalka Yurub, dalalka lagu soo qabtay waxaa kamid ah Ingar iiska, Belgiumka iyo kuwo kale.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khatar,iyadoo ay hareerihiisa fadhiyaan Ergeyga Qara mada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo kan Midowga Afrika.

Waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 Dowladood oo Reer Galbeed ah kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, Shirk aan ayaa Mudnaan gaar ah u leh Soomaa liya.

Markii u horeysay ayaa shirkan lagu qabanayao Muqdisho taas oo kamid ah waxyaabaha badan oo Wasaaradda Arrim aha dibada dalka ku guuleysatay.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqd isho ayaa Shalay siweyn loo adkeey ay,isla markaana waxaa la xiray inta ba dan waddooyinka Muhiimka ah eek u yaa lla Caasimadda.

IIMAAN CADOW OO WELI KU XAYIRAN MUQDISHO IYO UJEEDKIISA OO LA OGAADAY

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Karshe oo sheegay in maalmahanba uu ku sug naa Magaalada Muqdisho oo uu hawla caafimaad u joogay ayaa BBCda u xaqii jiyay in loo diiday in uu ka dhoofo caasi madda.

Guddoomiye Iimaan ayaa sidoo kale sheegay in uu hawlo u joogay Muqdisho oo ay kamid yihiin sidii uu dowladda, xil dhibanaada iyo waxgaradka uga la hadli la haa abaaraha ka jira magaaladii uu ka yi mid ee Garbahaarey, wuxuuna intaa raac iyay in laga soo celiyay garoonka diyaarad da ee Aadan Cadde.

"Waa run, in garoonka la iga celiyay, wa xaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaarad da raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen an agu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga sii yay xafiiska naga sareeya ee nabadsug ida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fas axnayn baa la nalagu amray ee Magaala da ku noqo”, sidaas waxaa BBCda u she egay guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in uu isku dayay in uu ogaado cida heysata, ba lse wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda uu san garaneyn sababta loo xayiray, kiiska loo heysto iyo cida ka dambeysa arrintan lagu sameeyay.

Walaaca uu qabo guddoomiyaha

Guddoomiye Iimaan Cadow oo aan xirn eyn, balse lagu xanibay Magaalada Muqd isho ayaa sheegay in qofka la xiri karo, oo xeerka iyo sharciga uu qabo, balse ay ta hay in laga qanciyo sababta loo xiray.

"Xorriyadeyda, safarkeygii iyo mas’uul iyadeydii aan hayay intaba in lagu xadgud bay ayaa ii muuqata, nabadgelyadeydii iyo noolasheydii aysan ahayn mid caadi ah oo khatar ay tahay, oo dharkeygii iyo boorsa deydi hadda aan heysanin oo aan garaney nin halka ay jiraan”, ayuu sii raaciyay gud oomiye Iimaan Cadow.

BBCda ayaa la xiriirtay dowladda So omaaliya, si ay wax uga weydiiso xayara adda uu sheegay guddoomiyaha Garbaha rey, balse nooma aysan suurtagelin in aan wax jawaab ah ka helno.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda fede raalka iyo mamaulka Jubaland ee ka dha shay doorashadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismayo ayaa sii kala fogee yay labada dhinac, waxaana taas ay keentay in dowladda federaalka ay xayir aad kusoo rogto duulimaadyada taga Kis mayo, inkastoo haatan ay tagaan oo go’a ankaas ay dowladda ka laabatay.

Mar guddoomiyaha Garbaharey wax la ga weydiiyay in xayiraadiisa ay arrintaas la xiriirto, maadaama uu ka tirsan yahay dowl ad goboleedka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in inkastoo uu ka tirsan yahay ma amulka Jubaland, hadana khilaafka ka dhaxeeya federaalka iyo Jubaland uusan isaga garsoore ka ahayn, balse uu yahay mas’uul Jubaland ah oo wixi khalad oo u dhaxeeya dhinacyada ay tahay in lagu xal iyo nidaamka, dastuurka iyo goleyaasha barlamaanka.

"Aniga muwaadin ummad shaqo u haya oo shaqadiisa iyo xafiiskii uu u soc day ayaan ahay, marka cudur daar uma noqon karto waxa ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in aniga la I xanibo”, ayuu raaciyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo DFS ay mas’uul ka tirsan maamulka ay ishay aan ee Jubaland ay falkan oo kale ay ku sameyso oo waxaa guddoomiyaha ka hor eeyay wasiirkii amniga ee Jubaland, Cabd irashiid Janan oo haatan ku xiran M/ Muqdisho. DFS ayaa horay shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasii rka amninga ee Jubaland oo ay sheegtay in loo haysto "dambiyo culus” oo uu galay. Balse Jubbaland ayaa dhalleeceysay xiritaankiisa, kuna tilShalayy mid siyaas adeysan.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaduna horay u sheegtay in Cabdirashiid Janan "looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

XIGASHO:BBC

RW KHEYRE OO KULAN LA QAATAY ERGO KA QEYB GALEYSA SHIRKA ISKAASHIGA SOMALIYA

XASAN YARE R/Wasaaraha qeyreXFS, Md. Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho kula kulmay ergo ka socota dalalka Masar iyo Kenya, Ban giga adduunka iyo ururka iskaashiga Isla amka oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

Ergada oo dalka u yimid ka qayb galka shirka madasha caalamiga ah ee iskaa shiga Soomaaliya oo ka furmay M/Muqdi sho, ayaa bogaadiyay horumarka la taab an karo ee Soomaaliya ay ku tillaabsa neyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ergada uga mahad celiyay kasoo qayb galkooda shirka madasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo ah kii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa lagu qabto

.MAREYKANKA OO FAAHFAAHIYAY DUQEYN CUSUB UU KA FULIYAY KUUNYO BARROW

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay gaysatay duqayn cusub oo ka dhan ah AlShabaab maalintii shalay.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afr ika ayaa sheegya inay duqayn ka dhacday meel u dhow Kuunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, isla marka ana lagu dilay xubin ka tirsan urruka AlShabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in duq ayntan aysan cid rayid ah waxba ku noqo nin.

Duqeyn-1 Sidoo kale Maraykanka ayaa xog dhee raad ah ka bixiyey weerarkii shalay ee gar oonka Ballidoo gle.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaynta shalay ee ka dhanka ahayd AlShabaab ay ahayd mid ee aysan ahayn laba duqay mood sidii hore loo sheegay.

Maraykanku waxa uu sheegay in mid ka mid ah askartooda laga daweeyey sho og ama miyirdoorsan. Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkaas aysan ku dhim anin askarta Soomaalida iyo kuwa Maray akanka midkoodna.

XILDHIBAAN XASAN YARE OO KA HADLAY SHIRKA ISKAASHIGA SOMALIA EE KA FURMAY MUQDISHO Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xa san Yare oo kamid ah Xildhibaanada Gola ha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka Caalamiga ee Iska ashiga Soomaaliya ee Shalay ka furmay M/Muqdisho.

Xildhi aan Xasan Yare ay aa waxaa uu sheegay in Shirka Iskaashiga Soomaa liy a ee furmay uu yahay mid ay ka soo qeyb galaan Beesha Caalamka,isla mark aana looga hadlo arrimaha xiligaas taagan iyo horumarka dowladda gaartay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa tilmaa may in Shirkaas ay ka maqan yihiin inta ba dan Madaxda Maamul Goboleedyada dal ka sida Galmudug,Jubbaland iyo Puntla nd,isagoo sheegay in arrintaas ay sabab u yihiin Madaxda dowladda Federaalka.

Waxaa kaloo uu sheegay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) in uu qabo fikir ah in Shirkaas qodobada ka soo baxa aysan ahaa doonin kuwa meel gaar a,maadaama aan loo dhammeyn Shirka.

Dhinaca kale Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa ka hadlay Go’aankii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaa le Xaaf uu dib uga laabtay Wakiilashii Wa saaradda Arrimaha Gudaha dowladda Fed eraalka u wakiishay arrimaha dib u heshii siiinta Galmudug iyo Doorashooyinka.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa Do wladda ku eedeeyay in danno gaar ah ay ka leeyahay Doorashooyinka Galmu dug,hayeeshee Madaxweyne Xaaf uu ku saxsan yahay inuu dib ula soo laabto Mas’ uuliyadiisa dowlad Goboleedyada Galm udug. Xildhibaanka ayaa u hadalyey idaac adda dalsan muqdisho soomaakliya

xigasho radiodalsan.com

TALISKA BOOLISKA OO WAR KASOO SAARAY XIRNAASHAHA WADOOYINKA MUQDISHO

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa War kasoo saaray xirnaasha Wadooyinka Magaalada Muqdisho inta uu socdo Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo Shalay furmaya.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa Shacabka kunoo Gobolka Banaadir ka Codsatay inay dulqaatan inta uu socdo Shirka iskaashiga Soomaaliya oo loo diray isku socodka gaadiida isticmaalla Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Zakiya Xuseen ayaa waxaa ay ku sheegtay in shacabka loo diraariyay gaadiidka gurmadka Deg deg ah ee Ambulance oo shacabka loogu adeegi doono hadii ay imaado baahi deg deg ah.

"Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag”ayay tiri Zakiya.

Magaalada Muqdisho ayaa Shalay waxaa ka furmaya Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya,kaasi horey loogu qaban jiray dalalka Yurub,waxaana la xiray inta badan Wadddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.

XOG: DF OO BAASABOORKA DIBLOMAASIGA KALA NOQOTAY XUBNO OO KA MID YAHAY AXMED MADOOBE

Dowladda Soomaaliya ayaa baasaboorka diblomaasiga kala noqotay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Mas’uuliyiinta ay ay dowladda ka kansashay ee Jubbaland ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo xiriir dhow la leh Axmed Madoobe. Tirada xubnaha baasaboorka lagala noqday ayaa lagu warramay inay tahay 8 mas’uul.

Wararka qaar ayaa sheegaya xubnaha ay dowladda baasaboorkooda baabi’isay uu ka mid ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Tallaabadaan oo kamid ah waxyaabaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Axmed Madoobe ayaa si xooli ah u socotay tan iyo markii ay dowladda ay amartay inay Diyaradaha Kismaayo u socdo soo maraan Magaalada Muqdisho.

Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland ayaa xumaaday kadib markii uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ku qabtaday doorasho aysan raali ka aheyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Tan iyo markii uu khilaafka labada dhinac bilowday, dowladda dhexe ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku cadaadineyso maamulkaas.

Tallaabooyinka ay qaaday ayaa waxaa kamid ah in la joojiyey duulimaadyadii tooska u tagi jiray Kismaayo iyo 3 Maalin oo guud ahaan la joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaaladaas.

Sidoo kale waxaa la xiray Wasiirkii Amniga Dowladda Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Cadaadiska Dowladda ayaa sababay inay baaqato Xaflad Caleema saar ah oo uu Axmed Madoobe ku qabsan rabay Magaalada Kismaayo kadib markii ay Dowladda xayirtay madaxdii kasoo qeyb geli laheyd Xafladaas oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheek Axmed.

PUNTLAND OO QAADACDAY SHIRKA ISKAASHIGA SOOMAALIYA OO SHALAY FURMAYA

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaa dacday Shirka Caalamiga ah ee iska ashiga Soomaa liya oo Shalay ka fur maya M/Mu qdisho,k aa si hor ey loogu qa ban jiray dalalka Yu rub.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay 50 dowladdod iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo lagu Casuumay inay ka soo qeyb galayaan.

Madaxda lagu Casuumay Shirak ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inuu kamid yahay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,hayeeshee uu qaadacay Shirka,isla markaana uu ka baadbay inuu ka soo qeyb galo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Puntland ayaa wa xaa ka dhexeeya xiriir aan wanaasane yn,iyadoona ay xusid mudan tahay in Mad axweyne Deni uu eedeymo kala duwan u jeediyay Madaxda dowladda Fed eraalka Soomaaliya.

KUURIYADA WAQOOYI 'WAXAY TIJAABISAY GANTAALLO'

Tijabaada hubka ee Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayey suuragal tahay inay xeebteeda ka gantay gantaallo ridda dheer, sida ay ku warramayaan saraakiil u dhalatay Kuuriyada Koonfureed.

Gantaallada ayaa loo malaynayaa in laga ganay meel u dhaw magaalada deka dda leh ee Wonsan, waxa ayna socdeen ilaa 450km ka hor inta aanay ku dhicin badda Japan. Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalladu ay sare u kaceen ilaa 910km.Tijaabada ayaa waxa ay iman aysaa saacada un kaddib markii Pyongyang ay sheegtay in wadahadallada ku saabsan sidii lagu baabi'in lahaa nukliy eerkeeda ee ay Mareykanka kula jirto ay igu dambayntii dib u bilaaban doonaan Jimcaha.

Wararka waxay soo ifbaxeen markii mas'uuliyiinta ay ku warrameen in Kuuriya da Waqooy ay tijaanbisay hubka mid kamid ah gantaalkana uu ku dhacay bad da Japan. Ra'iisul wasaaraha Japan, Shi nzo Abe wuxuu cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen labo ga ntaal, xukuumadda Tokyo waxay sheegtay in mid kamid gantaallada uu kusoo dhacay biyaha Japan gaar ahaan aagga gaarka ah ee dhaqaalaha.

Abe wuxuu weriyeyaasha u sheegay in tijaabada gantaallo noocaas ah ay kasoo horjeedo qararka Qaramada Midoobey.

Kuuriyada Waqooyi: Fagaarayaasha loo adeegsado khaarijinta oo la ogaaday

Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay 'Gantaal ridda gaaban' Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in ay hub cusub tijaabisay

Dhanka kale, miliatariga Kuuriyada koonfureed waxay sheegeen in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay ugu yaraan mid ka mid ah gantaallada riddada gaaban kaaso oo ay u gantay dhinaca badda bariga ku taalla ee gacanka Kuuriya.

Afahayeenka dowladda Japan Yosh ihide Suga wuxuu ka dhawaajiyay inay u muuqato in labo gantaall ay kuuriyada waqooyi tijaabisay mid kamid ah uu ku dhacay badda Japan.

Tijaabadan hubka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaaneysa saacado uun kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay shaaca ka qaaday in wahadallada ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka ee lagu waday inay dhexmaraan Mareykanka ay dib u bilabmayan dabayaaqada toddobaadk an.

Kuuriyada waqooyi waxay si joogta ah u tijaabisaa hubka iyadoo isku dayeyso inay cadaadis saarto dalalka gobolka.

Wadahadalladan ayaa ah kuwii ugu horr eeyay tan iyo bishii Febraayo markii uu fashilmay wadahadalladii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiy aha Kuuriyada Waqooyi Kim Jongun, wax ay labada dhinac u muuqdaan kuwo sii ka la fogaanayo. Dadaalka diblumaasiyade ed ee uu wado Trump ayaanan waxbo ka qaban ha lista Nukliyerka ee ka imaane yso dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

GABADH SOOMAALI AH OO KATIRSANAYD SHAQAALAHA BBCDA OO GEERIYOOTAY

gabar wariiye bbc ah oo geeriyootay Weriyaha BBCda, Hanna Yuusuf oo shaqadeeda muddooyinkii dambe ay ahayd baaritaan la xiriira xaaladda ay ku shaqeyaan shaqaalaha ka shaqeeya bakhaarka shirkadda qaxwada ee Costa ayaa geeriyootay iyadoo 27 jir ah.

Madaxa wararka ee BBCda Fran Unsworth, ayaa sheegtay in Hanna ay ahayd gabar yar oo weriye oo heybad uu Alle siiyay, hammi badanna laheyd, waxayna intaa racisay in geerideda ay tahay war aad u naxdin badan.Qoyska Hanna waxaa ay shegeen inay "aad uga naxeen, qalbi jabna ay ku noqotay", waxayna intaa raaciyeen in wax qabadkeedi uu dadka u noqon doona dhiiragelin.

Hanna waxay la shaqeyn jirtay qeybta wararka lagu qoro bogga wararka ee websiteka, luuqada Ingiriiska iyo telefishenka luuqada Ingilishka oo ay soo saare ka ahayd.

Hanna waxay ku hadli jirtay lix luuqadood oo ay kamid yihiin Soomaali iyo Carabi, waxaana ay horay uga shaqeysay warar la xiriira dhibanayaasha dembiyada culus.

Warbixinadii baaritaanada ee ay sameysay Hanna

Warbixintii ay Hanna ka qortay shirkadda Costa, waxay daaha ka rogtay dacwadaha iyo eedeymaha loo jeedinayo madaxda shirkadda, kuwaas oo diiday inay shaqaalaha siiyaan marka ay jiradaan iyo fasaxa sandlaha.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay sameyeen baaritaan madaxbanan, iyagoo ka duulaya eedeymaha loo jeediyay madaxda shirkadda.Asturnaanta Hanna Yuusuf

Hanna sha adii ugu horeysay ee ay BBCda ka bilowda waxay ahayd cilmi baare katirsan barnaamijyada News at Six iyo Ten iyo qeybta qoraalka.Kahor inta aysan kusoo biirin BBCd, Hanna waxaa ay la soo shaqeysay wargeyso ay kamid yihiin the Guardian, the Independent, the Times, the Muslim News, the Pool iyo Grazia Magazine.Sanadkii 2015, ka waxay muuqaal ka sameysay go'aan ay qaadatay oo ahaa inay xirato Xijaabka, iyadoona sheegtay in uusan wax dhib ah ku jabneyn.Hanna waxay 1992 ku dhalatay Soomaaliya, waxaana ay heshay deeq waxbarasho , si ay shahaadada labaad ee jaamacadda uga sameyso Ingiriiska. Kahor waxaa ay jamaacadda Queen Mary, ee isla dalka UK ka sameysay shahaadada koowaad ee jamacadad.

Qoyska Hanna ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen dhimashada gabdhooda waxay shegeen in dhimashada Hanna ay argagax ku noqotay.

"Dad badan waxay Hanna ku yaqaaneen shaqadii wanaagsaneyd ee ay kusoo kordhisay saxaafadda iyo shaqadeedi BBCda".

Weriyaha BBCda, Cabdiraxmaa Bidhaan oo ay Hanna ka wada shaqeyeen xarunta BBCda ee London ayaa ka shakeeyay waxyaabaha uu ku xusuusto.

"Waxaan ku xasuustaa gabadh jecel dhaqankeeda iyadoo haddana qurbaha ku kortay, "ayuu yiri Bidhaan.

Agaasimaha BBC News Fran Unsworth ayaa tiri: "Tani waa akhbaar laga naxo oo dhamaanteen tiiraanyo na gelisay. Hanna Yusuf waxay ahayd saxafiyad dhallinyaro ah oo hibo leh, BBC oo dhanna aad looga jeclaa, waxaana tacsi u diraynaa qoyskeedii iyo asxaabteedii. Waan tebi doonnaa Hanna".Image caption

Xafiiska BBC ee London

Sophia Smith Galer oo ka mid ah shaqaalaha BBC ee ay Hanna wada shaqeeyeen ayaa tiri mar kasta waxay ahayd qofka ugu naxariista badan, ugu xariifsan aadna dadka u soo jiita ee qolkan nala jooga"."Waxaan weynay saaxib aad u adadag, iyo awood dhanka runta u adeegta, iyo iftiin gaarayey meel ka shisheysa mihnadeeda saxaafadda oo ay ku hiranayeen dad badan oo isugu jira kuwoBBC ka shaqeeya iyo kuwo aanka shaqayn" ayey tiri.

Waxaan xaqiijin doonnaa in dhaxalkeeda dhanka jacaylka tebinta sheekooyinka uu noqdo mid aad loo maqlo wakhtiyada soo socda, aad ayaanan u tebi doonnaa".Weriyaha arrimaha caalamka u qaabilsan BBC Lyce Doucet ayaa iyadana Twitter ku portay "dhakhsiyo ayaad uga tagtay duni aad ilays weyn ku iftiimisay".Xigasho:BBC

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip