Sawirro:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo Cusub

0
Sunday September 22, 2019 - 19:11:54 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo Cusub

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xiray 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Puntland. Xidhitaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xiray 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Puntland. Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xiray tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xiray ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, badbaadinta goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ''Asluub'', ka hortagga xaaladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

       




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip