Gudoomiye Ciro oo cisbitaalka ku booqday Fanaanad Maryan Mursal

0
Sunday September 22, 2019 - 12:00:04 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ciro oo cisbitaalka ku booqday Fanaanad Maryan Mursal

    Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday. Fanaanada Maryal Mursal oo la socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday. Fanaanada Maryal Mursal oo la socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa diyaaradda dhexdeedii ku xanuunsatay ka dib markii faalug sanifay, taas oo sababtay in Xinjir fadhiisato Madaxa, inkastoo dhakhaatiirtii socodsiiyeen Xinjirtii dhiiga ahayd oo ay hadda xaaladeedda caafimaad fiican tahay. "Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taas oo dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay cisbitaalkan, hadda waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa balse lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays I ah"ayey tidhi Maryan Mursal oo ka hadlaysa xaaladeeda caafimaad. Sidoo kale, waxa saaka booqday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo uu wehelinayo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun. Fanaanadda Maryan Mursal ayaa u mahad celisay booqashada gudoomiyaha waxayna sheegtay inuu yahay masuulkii ugu horeeyey ee madaxda Somaliland ka tirsan ee cisbitaalka igu soo booqda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip