HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA SEP 2019-KA

0
Sunday September 22, 2019 - 11:20:17 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA SEP 2019-KA

    HESHIIS KU SAABSAN RAASHIINKA IYO SHIDAALKA EE CXD OO LAGU KALA SAXIIXAY MUQDISHO Munaasabad lagu kala saxiixanayay he siis ku aaddan Qandaraasyada Raashiin ka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa Shalay lagu qabt ay ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HESHIIS KU SAABSAN RAASHIINKA IYO SHIDAALKA EE CXD OO LAGU KALA SAXIIXAY MUQDISHO Munaasabad lagu kala saxiixanayay he siis ku aaddan Qandaraasyada Raashiin ka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa Shalay lagu qabt ay magaalada Muqdi sho,taasi oo ay ka qeyb galeen wasiirro ka tirsan XFSoomaaliya iyo saraa kiil kale. Wasiirka Gaashaandhigga X FS M. Xa san Cali Maxamed (Amardambe) iyo was iirka Amniga Md.Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa shirkado qaabilsan Qandara asyada la saxiixday heshiiska Qandaraasy ada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidama da Qalabka Sida,ka dib munaasabad bal laaran oo ka dhacday Magaalada Muqd isho. Waxaa munaasabadda heshiiskaasi la gu kala saxiixanayay goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdira xmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka Warfaa finta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Maxa med Cabdi Xayir Maareeye iyo mas'uuliy iin kale. Md.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa he shiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay'ada ha DF Soomaaliya. Heshiiskan ayaa wax aa uu soo maray Habraaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, iya doo tartan ay u soo galeen qaar kamid ah shirkadaha Qandaraaslayaasha ah.

 MARAYKANKA OO KENYA KA IIBIYAY DIYAARADO DAGAAL

     Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dow ladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha da gaalka ee Helicopt ers-ka loo yaqaan.

War ka soo baxay      Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda Diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya.

Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikad da sameysay diyaaradahaas ayaa sheeg tay in sidoo kale dowladda Kenya u taba barayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.

     Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay in ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, daabulidda Ciidanka iyo agabkooda iyo wixii la mid ah.

       Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa shee gay in diyaaradahaas saldhig looga dhiga yo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsa tay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaarsiin dalkaas.

KU SIMAHA G/BAARLAMAANKA OO LA KULM AY MADAXWEYNAYAASHA HIRSHABELLE & K/GALBEED

      Ku simaha Guddoomiyaha Baarlama anka Somaliya ahna Gudoomiye Ku xige enka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi Wali Ibraahin She ekh Muudey, ayaa wux uu Habeen Hore Mada xtooyadda Somali ya kulan kula qaat ay Madaxwe ynaya asha Hirshabe lle & Koonfur Galbeed.

     Masuuliyiintaan oo kulankooda si gaar ah uu uga dhacay Xarunta Villa Hargaysa oo Guddiyada Baarlamaanka ay ku shaq eeyaan ayaa waxa ay iska xaal wareys te en Maamul Goboledyada ay madaxda ka yihiin.

      Kulanka waxaa qayb ka ahaay Gudo omiyaha Baarlamaanka Maamulka Koo nfur Galbeed oo warbixin ka siiyay xaalad da Baarlamaanka Koonfur Galbeed Ku si maha Gudoomiyaha Baarlamaanka Somal iya ahna Gudoomiye Ku xigeenka 1aad.

     Waxaa la isla soo hadal qaaday hana anka ugu haboon ee Golaha Shacabka Somaliya & Xildhibaanada Maamul Gobol edyada ay ku wada shaqeyn karaan, isla markaana Xildhibaanada Maamul Gobol edyada ay uga faa’iideysan karaan kuwa Golaha Shacabka.

     Madaxweynaha Maamulka KGalbeed Cabdi Casis Lafta Gareen ayaa ka mahad celiyay kulanka, waxaana uu sheegay in Golaha Shacabka ay ka doonayaan si buu xda inay ula shaqeeyaan Maamul Gobol edyada. Ku simaha Gudoomiyaha Baarl amaanka Somaliya ayaa sheegay inay sii kordhinayaan wada shaqeynta buuxda ee ay la leeyihiin Maamul Goboledyada Hirs habelle & Koonfur Galbeed.

MAAMULKA GOBALKA BANAADIR OO JOOJIYEY QAADASHADA SHAQAALE CUSUB

     Maamulka gobalka Banaadir ayaa isku raacay joojinta qaadashada shaqaalaha cusub ee dowladda Hoose ilaa amar dam be sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir.

      Cumar Maxamuud Maxamed "Filish” ayaa u sheegay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir, odayaasha dhaqanka, Xildhibaano katirsan baarlama anka Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Ra’ iisul Wasaaraha in uu joojiyay qaadash a da shaqaale cusub oo kamid noqda dowl adda Hoose ee gobalka Banaadir ilaa muddo dhowr bil ah.

Cumar Filish ayaa dalbay in la siiyo fursad uu ku saxo nidaamka shaqaale qaadasha da gobalka Banaadir oo u baahan dib u ee gis iyo in la xoojiyo hubinta qofka, taasna ay qaadan doonto mud do bilooyin ah, sida ay noo sheegeen masuuliy iin ka tirsan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaal aha ee gobalka Banaadir.

     Arrintaan ayaa waxaa sababay weerar kii ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee gobalka Banaadir 24-kii bishii July ee san adkaan, kaas oo lagu waayay halyeeyo badan kadib markii ay fulisay qof ka tirsan masuuliyiinta gobalka Banaadir oo araga naafo ka aheyd.

      Dhalinyaro badan oo gaaraya kuman aan qof ayaa gobalka Banaadir ka lahaa rajo wanaagsan oo ah in la shaqaaleysiiyo waxa uuna go’aan god ku ridayaa rajada dhalinyaro badan oo wajahaya daruufo adag, ugu yaraan illaa dhowr bilood.

Xigasho Caasimada online.com

ASKAR KA TIRSAN CIIDANKA DOWLADDA OO MUQDISHO LAGU DILAY

    Kooxo hubeysan ayaa labo Askari oo ka tirsan Ciidanka xo ogga dalka Soomaali yeed ku dilay dega an ka Tareedisho sid a ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

    Dilka ayaa yimid ka dib markii Askarta oo la socotay Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM islamarkaana Watay gaari ay le eyihiin Ciidanka xoogga kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen ka dib markii ay wad dada ku xiran tahay.

      Mid ka mid ah Askarta ayaa isla go obta ku geeriyooday, waxaana mid kale uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

     Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi hadda howlg allo ka wadda Ciidanka Booliska.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAXIIXAY SHA RCIGA DHISMAHA GUDDIGA MADAXA-BAN

 aan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay sax iixay Sharciga Dhismaha Guddiyada Mada xa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqm aasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

     Madaxweynaha ayaa tilmaamay dhiba atada uu musuqmaasuqu ku hayo dowla dnimada iyo horumarka dalka, isaga oo xusay in sharcigani uu horseedayo dhisma ha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta mus uqmaasuqa.

      "Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qura ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulsha da oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynay naa in xubnaha Guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wa naagsan, diin iyo waddaniyad.”

      Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Wasiirrada, Xil dhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay ha wshan qiimaha leh uga mahadceliyay door kii ay ku lahaayeen tifaftirka iyo dhamm aystirka Sharciga.

     "Dowlad wanaaggu waa wax dowladda laga rabo, waa nagu waajib in aan hagaa jinno heerarka kale duwan ee Dowladda. Waa xaqiiq in hal mar aan la wada sixi ka rin wax walba, maadaama dalku muddo dheer burbursanaa oo ay abuurmeen dhaqanno xun, marka in dhaqankaas iyo hab-fekerka bulshada la beddelo ayaan rabnaa” Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dan bayntii munaasabadda ku saxiixay Sharc iga Dhismaha Guddiyada La Daga alanka Musuqmaasuqa ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku salaysan qodob ka 111-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah ee JF Soomaaliya.

DIBAD BAXYO LOOGA SOO HORJEEDO MADA XWEYNAHA MASAR OO KA DHACAY QAAHIRA

      Dibaxyo looga soo horjeeda Madaxw eynaha Masar Abdelfatah Al-Sisi ayaa ka dhacay magaalada Qaahira iyo qeybo ka mid ah dalkaas.

    Dibad baxan ayaa ahaa kii ugu horeey ay ee Masar ka dhaca tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abdelfatah Al-Sisi sanadkii 2014. Boqolaal ruux ayaa Habeen Hore fiidkii soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir oo aheyd halka ay ka bilaabatay ka cdoonkii sanadkii 2011 ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

    Booliska ayaa la sheegay inay dibad ba xayaasha u adeegsanayeen sunta ilmaha ka ilmeysiisa, isla markaana ay kala ery een inta badan dibad baxayaasha.

     Dadka dibad baxayay ayaa la sheegay inay ku eedeeyeen Madaxweynaha Masar musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed, kana dalbanayay inuu xukunka ka dago.

TIRADA DADKA SHACABKA AH EE MAREYKAN KA UU KU DILAY SOMALIA OO LASOO BAN DHIGAY

     Sagaal Bil oo ka tirsan Sanadkaan dha mmaadka ah ee 2019 ayaa tiro ahaan ka badan duqeymaha Mareykanka uu ka gey stay Soomaaliya sanadkii 2018 sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’ad da Xuquuqul Insaanka ee Amnesty Inte rnational.

     Duqeymaha Mareykanka uu ka fulina yo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray tan iyo sanadkii 2016 markaas oo Soom aaliya laga fuliyey 14 Duqeyn, halka san adkii 2018 ay gaartay tirada duqeymaha illaa 47 howlgal oo dhanka cirka ah.

     Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amn esty International ayaa warbixin ay soo sa artay ku sheegtay in 5 Duqeyn oo ka dhac day Gobolka Shabeelada Hoose Bishii Apr il ee 2017 lagu dilay 14 qof oo Shacab ah.

      Sidoo kale Hey’adda ayaa sheegtay in Duqeymahaas lagu dhaawacay in ka badan 8 qof oo Shacab ah.            Hey’adda ayaa  duqeymahaas sheegtay inay mas’u ul ka aheyd Mareykanka inkastoo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afirca ee loo yaqaan AFRICOM uu iska fogeeyey in du qeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay dad Shacab ah.  Amnesty ayaa ku ba aqday in baaritaan xaqiiqo raadin ah lagu sameeyo saameynta ay dadka Shacabka ah ku yeelatay duqeymaha Mareykanka .

      Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliy ey 120 duqeyn seddexdii sano ee ugu da mbeysay, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah.

      Dowladda Soomaaliya ayaan wax mas ’uuliyad ah iska saarin dhibaatada Dadka Shacabka ah kasoo gaarto duqeyaha Mar eykanka.

ERGEYGA GAARKA AH EE QARAMADA MIDOO BAY JAMES SWAN OO BAAQ U DIREY SHACAB KA SOOMAALIYEED       

     Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoob ay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jam es Swan ayaa fariin culus u diray dadka Soomaaliyeed. Mr Swan oo soo saaray War-Saxaadadeed ku aadan maalinta nabadda adduunka oo Shalay ku beegan ayaa ugu baaqay shacabka So omaaliy eed inay xoojiy aan nabadda. Iyadoo add uunku xusayo Maalinta Caal amiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya wuxuu Shalay ku dhiirri-gel iyay dhamma an dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka ge ystaan xaqiijinta nabad wa arta oo ka hir gasha dalkooda.

            "Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaa dda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joog een. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soo maaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta wa xay sidoo kale u baahantahay hanaan do wladnimo oo loo wada dhan yahay, cada alad loo siman yahay, iyo wada hadal joog to ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri

Wakiilka   Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabi lsan Soomaaliya, James Swan."Maalintan Shalay ah, waxaan ku boori nayaa dhammaan dadka Soomaali yeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada na badda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

      Golaha loo Dhanyahay ee QM ayaa Aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nab adda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’a an iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maa lintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.

RA'IISAL WASAARE KHEYRE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXWEYNAYAASHA HIRSHA BEELLE IYO KOONFUR GALBEED

      Raisul Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxweynayasha Dowlad Goboleedya da Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sid oo kale waxaa kulanka ka qeybgalay gu ddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Gal beed Cabduqadir Shariif Shekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Ma amul gobolleedyada  Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

      Labadda Madaxweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ka wa day Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmaayeen Madaxda DFS Iyo maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

IRAN: CID KASTA OO NA SOO WEERARTO CASH AR LAMA ILLAAWAAN AH AYAAN U DHIGEYNAA

    Sargaal sare oo ka tir san ciidamada dalka Ir an ayaa sheegay cid ka sta oo dhulkeeda dagaal ku soo qaaddo iney diy aar u tahay iney burburiso.

     Hadalka Iran ayaa ku soo beegmaya ka dib marki uu Mareykanka shaaca ka qa aday inuu ciidama caawiya Sacuudi Cara biya uu u soo dirayo Khaliijka.

"Aad u taxaddar oo hubso inaad wax kha lad ah sameyn" ayuu yiri taliyaha guud ee ciidmada iaalada kacaanka Iran.

Iran waxay diidday eedaha ay Mareykan ka iyo Sacuudi Carabiya u soo jeediyeen ee ku saabsanaa iney iyadu ka dambeys ay weerarradi lagu soo qaaday xaruuma ha saliidda ee dalka Sacuudiga.

      Mas'uul sare oo ka tirsan boqortooya da sacuudiga wuxuu sheegay 'Tallaabba kasta oo lagama maarmaan ah' in la qaa dayo marki uu soo idlaado baaritaanka weerarkaasi la xiriira.

     Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir faahfaahin intaa dheer kama bixin tallaabbada uu sheegay in la qaadayo, balse wuxuu sheegay baari taanka marka soo gabagabeeyo xogta ba aritaanka la shaacin doono.

     Fallaagada Xuutiyiinta oo ay Iran taage erto, ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar ki 14-ka September dhacay ee lagu qaad ay xaruumaha saliidda Sacuudiga.

    Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii cakirantay wixi ka dambeeyey marki uu Madaxweynaha Mareykanka Don ald Trump uu ka baxay heshiiski Niyuukila rka isla-markaana uu Iran ku soo rogay cunaqabateyno horleh.

Iran maxay tiri?

    Sarreeya Guud Adel al-Jubeir oo warba ahinta dowladda Iran Shalay oo Sabti ah la hadlay wuxuu sheegay 'Dalkiisu inuu diy aar u yahay inuu ka jawaabo weerar kasta oo lagu soo qaado, uuna dalkiisu marnaba oggolaaneyn in dhulka Iran dagaal lagu soo qaado'.

    "Cid kasta oo nagu soo gardarrooto ja waab ayaan siin doonnaa', isaga oo ha dalka sii watana wuxuu yiri "Jawaabta aan bixin doonnana waxay noqoneysaa mid sii socota ilaa cadawgannaga aan baab'I nno."

     Sareeya Guud Salami, oo ka hadlayey carwo lagu soo bandhigay diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo lagu qabtay The ran ayuu ka sheegay cid kasta oo dhulka Iran ku soo xadgudubto inay weeraray aan."

     Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran oo qayb ka ah ciidamada dalkaasi wuxuu Mareykanka uu ku daray liiska hay'adaha argagixisada.

Mareykanka muxuu yiri?

  Maraykanka wuxuu ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.

Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa sax afiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin "kuwo wax iska caabbin ah". Ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo.

      Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarr adii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerark aas ku eedeeyeen xukuumadda Iran.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Tru mp ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu Iran ku soo rogi doono cunaqabatayn "heerke edu sarreeyo" asagoo sheegay in uu ka dheeraanayo tallaabo militari.

     Mr.Trump ayaa sheegay in cunaqaba tayntan cusub diiradda lagu saarayo ban giga dhexe ee Iran iyo hantidiisa madaxa bannaan.

MAXAY TIDHI WASAARADDA GAASHAAN DHIGGA MARAYKANKU?

Mr Esper ayaa go'aankan ku dhawaaqay Jimcihii asagoo garab taagnaa madaxa saraakiisha ciiidamada Gen Joseph Dun ford Jr. Mr Esper ayaa sheegay in kaa lma daan ay dal badeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa diiradda saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaaca hawada ee dhanka gantaalaha, Maraykanku wuxuu "dardar gelin doonaa in uu geeyo qalab militari" labadaas dal.

     Maraykanku wali kama aanu hadal noo ca ay yihiin ciidamada uu halkaas u dirayo.

     Sida laga soo xigtay the New York Tim es, markii warfidiyeennadu ay Mr Esper waydiiyeen in qorshe lagu duqaynayo Iran uu wali miiska saaran yahay iyo in kale, ayaa Xoghayaha difaacu wuxuu ku jawa abay: "Wali halkaas ma aanan gaarin".

AKHRISO: DOWLADDA FEDERAALKA OO U FAS AXDAY DOWLAD GOBOLEEDYADA LACAGTII DEEQAHA CAALAMKA

 

     Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix mil yan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub.

    Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo bax ay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu she egay inuu jeedka lacagtan uu yahay Qoon dada Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iy adoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabida miisaan iyadda

         Qoraalka oo ku saxiixnaa Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhac ay Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaar adaha Maaliyadda heer Federaalka iyo he er dowlad goboleedyada iyo Gobolka Ban aadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta Hey’ adaha Maaliyadeed ee dalka.

      Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  dee qda miisaaniyad kabida ee laga helay Mid owga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 mil yan oo dollar taasoo guud ahaan noqoney sa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleed yada iyo Gobolka Banaadir.

       Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dool kharashaadka Amniga iyo arrim aha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

     Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maa mul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isti cmaalayo sida ku cad warqadan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in la ga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib marka la isticmaalo lacagtan.

XIGASHO:-JOWHAR.COM

 
Halkan hoose ka akhriso Jaantuska xisaabta lacageed ee la siiyay maamul walba.


 

 

MAREYKANKA OO SACUUDIGA U DIRAYA CIIDAMO DIFAACA XARUMAHA SHIDAALKA

      Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa ku dhawaaqay inuu qorshe yn ayo ciidamo loo diro Sacuudi Carabiya, ka dib weeraradii tod obaadkii hore lagu qaaday xarumaha laga soo saaro shidaalka. Mark Esper ay aa sheegay in ciidamada la geynayo Sa cuudiga ay yihiin kuwo wax iska caabbin ah, si ay u difaacaan goobaha shidaalka Sacuudiga.

     Xoghayaha Gaashaandhigga Mareyk anka ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Im aaraadka ay ka dalbadeen Ciidamo, si ay u xoojiyaan difaaca hawada ee dhanka Ga ntaalaha, waxaana la geyn doonaan qalab milateri labada dal.

      Dowladda Sacuudiga ayaa ku eedey say Iiraan inay ka dambeysay weerarka la gu qaaday labo warshadood oo kuwa shi daalka ah, waxaana ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya weerarka.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykan ka Donald Trump ayaa shalay ku dhawaa qay in cunaqabateyn heerkeedu sarreeyo ku soo rogi doonaan dalka Iiraan.

     Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iira an ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerara da lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacu udiga, kaasoo sababay khasaarooyin fara badan iyo inuu hoos u dhacay 50% wax soo saarkii Shidaalka.

SADDEX XILDHIBAAN OO KA TIRSAN GOLAHA DEEGAANKA BOORAMA OO XABSIGA LOO TAXAABAY

     Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay sa ddex xildhibaan oo ka tirsan gola ha deegaanka Bo orama.

Saddexdan xildhibaan ayaa kala ahaa Xild hibaan Maxamed Muxumed Dheereyste oo hore maayar ku xigeen uga noqday de gmada Boorama, Xildhibaan Mustafe Xay te iyo xildhibaan Indho Sheel.

     Xukuumaddu illaa hadda lama sheegin sababta loo xidhay iyo wuxuu daaran yah ay xadhigoodda, haseyeeshee waxay war ar hoose xusayaan in lagu haysto inay wad een dhaqdhaqaaqyo ka soo horjeed da xukuumadda.

SOO DHAWEYN LOO SAMEEYAY KU DHAWA AD 1000 ARDEY AH OO KU BIIRTAY JAAMAC ADDA BANAADIR

     Munaasabad  soo dhaweyn ah ay aa loogu sameeyay xarunta Jaamacad da Banaadir ku dhawaad Kun Ardey ah oo ku biirtay san adkan Jaamacadda, kuwaa oo dhawaan Imtixaan u galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.       Gudoom iyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxa med Max’uud Biday oo Munaas abadaas ka hadlay ayaa ardayda cusub u ga ma had celiyey doorashada ay doorteen jaam acada Banaadir qeybaheeda kala du wan.

     "Waxaa farxad inoo ah inaan Shalay xaflad soo dhoweyn ah u sameyno bo qolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee Jaamacadda Banaadir sanad du gsiyeedka 2019-2020” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in jaamacada Banaadir lagu bilaabay hal kuliyad sanadkii 2002-dii taasoo ardaydii ugu horeysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26 arday, isagoo she egay in dedaal dheer ka dib ay haatan jaa macadu gaartay heer wanaagsan oo xitaa aqoonyahanadii aasaasay aysan fileynin.

    Dr. Biday ayaa ardayda cusub ee Jaa macada Banaadir ku soo biiray faahfaahin ka siiyey marxaladihii ay soo martay Jaa macada iyo guulihii ay ku talaabsatay, isa goo xusay in mudadii ay jirtay ay ka qelin jebiyeen arday kumanaan gaareysa oo bartay culuunta kala duwan ee laga bixiyo Kuliyadaha jaamacada, kuwaasoo Shalay ka shaqeeya ayuu yiri heyadaha kala du wan ee dalka, halka qaarkoodna ay waxb arasho sare u doonteen dibeda.

    Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay jaamacada ka qelin jebin doonaan arday fara badan oo wax ka barta kuliyadaha ka la duwan ee Jaamacada, isagoo xusay in Jaamacadu ay sii kordhin doonto dedaalk eeda ku aadan kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

     Guddoomiyaha Muasasada Tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuse en (Bushkuleeti) oo isna u balan qaaday ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacad da iney heli doonaan tacliin tayo sare leh iyo soo dhoweyn wanaagsan isagoo dhin aca kale kula dardaarmay iney ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo galay in lagu Maamulo ardayda Jaamacada.

     "Jaamacada waxay degan tahay dhowr kambas labo ka mid ah oo uu ku jiro Kamb askan cusub ayeyna Milkiyad u leedahay, ma jirto cid ka taageertay oo aan ALLE ah eyn marka laga reebo oo ardayda oo da khliga yar ee ka soo xerooda wax looga tashiilay” ayuu intaa ku daray Dr. Bushkule eti.Senator Prof. Cusmaan Maxamuud      Dufle oo ka tirsan aqalka saree ee Baarl amanka, kana mid ah aasaasayaasha iyo masuuliyiinta Jaamacada Benaadir ayaa khudbad uu munaasabada ka jeediyey ardayda cusub ku bogaadiyey hamiga ay u qabaan waxbarashada wuxuuna iyaga iyo waalidiintooda uga mahad celiyey door ashada ay doorteen iney wax ka bartaan Jaamacada Banaadir.

     "Sadar muuqda su’aal ka dhan, Jaam acadda Benaadir waa Jaamacad laga aqoonsan yahay caalamka, waxaana taas u daliil ah ardaydii ka baxday Shalay Ja amacadaha waaweyn ee caalamka ayey taqasusyo ku diyaariyaan, waxaana ar dayda cusub leeyahay waxaad heysataan Jaamacad shahaadada aad ka qaadataan ay noqon doonto mid aad u aayi doon taan” ayuu Dr. Dufle oo ardayda cusub u gu baaqay iney ku dedaalaan barashada aqoonta ay jaamacadu bixin doonto si ay mustaqbal wanaagsan u hiigsadaan.

     Sidoo kale, waxaa munaasabadaas hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo bara arujin ah ka soo jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maa liyada ee Jaamacada Banaadir Dr. C/rax maan Xasan Cumar, Macallimiin ka soco tay Jaamacadda caalamiga ah Afrika oo ku taalla dalka Sudan, Prof. Axmed Yuu suf Guuleed oo ka tirsan Aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada iyo iyo xubno kale.

FAAH-FAAHIN KU SAABSAN QARAXII SHALAY KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

     Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay xaa fadda Salaam degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

    Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Saarif ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada nooca lagu dhajiyo baabuur ta.Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhint ay qa raxaasi oo ahaa wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo la socotay.

    Wararka ayaa sheegaya in qofka dhin tay oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu ade er u yahay xildhibaan hore, Cabduqa adir M axamed Mursal oo horay Muqdisho ay ugu dileen kooxo hubeysan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip