Xisbigii Ugu Horeeyay Oo Ka Hadlay Guusha Xulka Somalia Ka Gaaray Zimbabwe

0
Friday September 06, 2019 - 17:46:08 in Wararka by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbigii Ugu Horeeyay Oo Ka Hadlay Guusha Xulka Somalia Ka Gaaray Zimbabwe

    Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee Guddoomiyaha uu ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray cayaartooyda iyo macalimiinta xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Caawa taariikh ka dhigay isr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee Guddoomiyaha uu ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray cayaartooyda iyo macalimiinta xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Caawa taariikh ka dhigay isreeb-reebka koobka aduunka 2022,kadib markii ay afka ciida ugu dareen xulka Zimbabwe. "Geesiyaasha The Ocean Stars waxay muujiyeen in ay Soomaaliya weli nooshahay, ayna awood u leedahay in ay Kubadda Cagta ku garaacdo xulal cayaaraha Africa looga baqo"ayuu lagu yiri War ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.

Xulka Qaranka kubada Cagta ee dalka Soomaaliya ayaa 1 iyo 0 kaga Adkaaday Xulka Qaranka Zimbabwe Ciyaar ka tirsaneyd isreeb reebka Koobka Aduunka ee 2022 lagu qaban doono Wadanka QadarSidoo kale Warka ka soo baxay Xisbiga UPD ayaa waxaa lagu sheegay inaygarab taagan yihiin xulka qaranka dalka Soomaaliya,isla markaana mar kale guul uga rajeyneyn Qaranka in ay ka helaan xulka Zimbabwe oo is aragga labaad ay Axada leeyihiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip