WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 17-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Wednesday February 17, 2016 - 09:50:11 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 17-KA FEBARAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTEY, KA DIB MARKII UU JARMALKA KAGA SOO QEYBGALEY SHIRKII ARRIMAHA AMNIGA CAALAMKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay db ugu soo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTEY, KA DIB MARKII UU JARMALKA KAGA SOO QEYBGALEY SHIRKII ARRIMAHA AMNIGA CAALAMKA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa shalay db ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu maga alada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka kaga soo qeybgaley Shirkii 52aad ee arrimaha amniga caalamka (Munich Security Conference). Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saaray shirka sannadkan waxaa ka mid ahaa, xasi loonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Khudbad uu shirka ka jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto daga alka looga soo horjeedo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin ka le oo ka tirsan labada gole.

WASIIRADA AMNIGA IYO DIFAACA SOOMAALIYA OO SHALAY BAARLAMAANKA HORTAGAY

Wasiiradda Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya ee kala ah C/risa aq Cumar Maxamed iyo C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shalay hortagay Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka Wasiiradda ay u tageen ayaa ah Arrimo la xariira Mooshinkii Xildhibanada Soomaali ya ay ka keenen in Xasaanadda laga qaado oo baaritaan lagu sameeyo Xildhibaanada markii ay ka dhoofayaan Garoonka Diyaaradaha ama ay ka soo dagayaan.

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo baarlamaanka su’aalo uga jawaabayay ayaa sheegay in uusan amar ku bixin in xasaanadda laga qaado Xildhibaanada, wax aaana uu intaa ku daray in haddii ay jiraan xadgudubyo loo geystay Xildhibaanada ay wax ka qaba nayaan.

Horay Xildhibaanno tiro ahaan la sheegay in ay 50 ka badan yihiin ayaa Mooshin ka keenay in Xildhibaanada la baaro islmarkaana ay leeyihiin Xasaanad sida ay hadalka u dhigeen.

MID KA MID AH DIBLOMAASIYIINTA UGU CAANSAN SOOMAALIYA OO HARGEYSA KA DEGAY

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diiran loogu soo dho weeyay mid ka mid ah biblomaasiyiinta Soomaaliya ugu caansan, waxaana halkaasi uga bilaabatay booqashooyin uu ku kala bixinayo gobolada Somaliland.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta ballaaran oo ay u sameeyeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bu lshada Somaliland oo uu sheegay inay tahay booqashadiisa mid galeysa taariikhdiisa.

Maxamed Cali Ameeriko oo muddo shan maalin ku sugan magaalada Hargeysa ayaa kormeer ku tegay magaalooyin ay ka mid tahay Berbera, isla markaana kulamo la qaatay bulshada ku dhaqan halkaasi.

"Booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Somaliland waxay qeyb ka tahay socdaalkeyga nabadda, waxaana ku faraxsanahay sida quruxda badan ee ay ii soo dhoweeyeen walaalaheyga” ayuu yiri Am bassador Maxamed Cali Ameeriko.

Diblomaasigaan ayaa mudadii uu safiirka ahaa waxaa lagu xusuustaa inuu u hiilliyay Soomaali ku dhibaateysneyd dalka Kenya, isagoona dadaallo fara badan u galay sidii Dowladda dalkaasi dhib aatooyinka uga dulqaadi lahayd Kumannaan Soomaali ah.

Dhinaca kale booqashada safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa ku soo be egmeysa xilli uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay socdaan dadaallo labada dhinac lagu heshiisiinayo

ISBITAALKA LAANSAREETI OO LAGU SOO KORDHIYAY QEYBTA DARYEELKA HOOYADA IYO DHALLAANKA

Munaasabadaan ayaa ujeedkeedu ahaa furitaanka dib u dayactir lagu sameeyay xarunta dary eelka Hooyada iyo dhalaanka ee isbitaalka Laasareeti ee magaalada Muqdisho.

Maxamud Xasan Mooge Xiriiriyaha Gobolka Banaadir ee hay’ada EUTM ee Soomaaliya ayaa sheeg ay in ay tahay deeq yar oo wax weyn tari doonto isbitaalka, gaar ahaan qeybta hooyada iyo dhallaan ka oo shalay dib loo furay.

Agaasimaha Cusbitaalka Laasareeti Drs Faadumo Cabdi Macow ayaa ka mahadcelisay dib u dayactirka lagu sameeyay qaybta hooyada iyo dhallaanka, taasi oo gacan ka geysan doonta daryeel ka Hooyada iyo dhallaanka.

Drs Mina Xasan Shibis oo ka mid ah Ururka Dhaqaatiirka ayaa tilmaantey in baahi weyn loo qa bo helitaanka qeyb lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka, waxaana ay ku baaqday in dib u dhis lagu sameeyo xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada.

Col Pernaardo oo ku hadlaayey magaca Ciidamada Talyaaniga ee hirgeliyey Dayactirka ayaa sheegay in aysan ahaan doonin tii ugu dambeysey ee ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, ayna di yaar u yihiin inay joogteeyaan dib u soo nooleyta adeegyada guud ee bulshada.

Gudoomiya Degmada C/siis Cusmaan Muxyadiin Cali ayaa u mahadceliyey Ciidamada Taly aaniga ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidamada xoogga dalka dib u dayactirka ay ku sameeeyen qebta hooyada iyo dhallaanka.

IMAAM MAXAMED YUUSUF OO DHAGAX DHIGAY WADDO ISKU XIRTA MUQDISHO IYO HOBYO

Munaasbada xariga looga jaraayey hirgalinta waddo cusub oo isku xiri doonta magalada Mu qdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka qeyb galey Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyeyaasha gobolada Baandir iyo Shabeelada Dhexe, Ugaas yo, Malaaqyo, Nabadoonno, Ganacsato, haween, Siyaasiyiin iyo ingineero ku howlan dhismaha wa dadan oo laami casri ah la saarayo.

Wadadan oo uu dhagaxdhigey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa isla shalay waxaa ka shaqo bilaabey gawaarida lagu falo geedaha iyo kuwa qashinka qaada, oo ay leeyihiin ganacsato Soo maaliyeed oo ku tabarucay in loogu adeego dhismaha wadadan oo 560km ah, waxaana goobta lagu soo bandhigay sanduuq ay dadka kaga qeyb qaadan kaaran dhismaha waddadan, iyadoo ay hir gelinayaan Nabadoono iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Xaaji Cabdi Imaan Cumar oo ah hormuudka waxgaradka hirgelinaya dhismaha wadadan iyo Axmed Cumar Calasow oo ka mid ah injineerada dhismaha ayaa si wada jir ah u tilmamay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada degta Gobolada dalka.Malaaqa Xamar iyo Xamardaye Mal aaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Fara cadde iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay ka qeyb qaatan dhismaha waxyaabaha danta guud.Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay ka qeyb qaadan doonan dhismaha wadadan, ayna ku baaqayaan in si wada jir ah looga qeyb qaato.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay lacag 50kun oo doolar ugu tabarucay dhismaha waddada bilow u noqon doonta, isla markaana ay diy aar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhagax dhigay waddada ayaa ugu baaqay Ummadda Soom aaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska waddadan isku xiri doonto Muqdisho iyo Hobyo.

MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR OO KU BAAQAY IN GURMAD LOO FIDIYO DADKII KU HANTI BEELAY DABKII SUUQA DEGMADA WADAJIR

Dab xoogan oo dhaliyay qasaare hantiyadeed ayaa abaare 7:00pm fiidnimo ee habeen hore ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaas oo ka dhashay sida la sheegay dab laga shiday mid ka mid ah baqaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha, kaasi oo markii dambe dabka uu si xoogan ugu faafay qeybo badan oo kamid ah suuqa

Howlaha dabdamiska ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay Gaadidka dabdamiska ah ee Dowlada Hoose Xamar, Shirkada Hormuud, AMISSOM iyo dadweyna aad u tira badan, iyadoo Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Saraakisha ciidmada qalabka sida ay bilaa been iney badbaadiyaan hantida ku gubaneysa Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Degmada Wadajir Abuukar Sheekh Ax med Cadow ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qalabka dhismaha ee Suuqa Wadajir, taasi oo keentay in uu ku faafo inta kale ee suuqa.

Agaasimaha Dabdamiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdulaahi Saney ayaa tilmaamay in dabkan ka kacay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir uu yahay kii ugu weynaa ee sanadkan ka kacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale oo halkaasi kahadlay waxa uu ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaliyed ee hanta dooda ku basbey shay dabka ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Koox si gaar ah u tababaran oo dabdamis ah ayaa ka howl galayay halka uu dabka ka socday, waxaana ay dhiira gelin xoogan ka helayen dadweynaha ku sugnaa nawaaxiga uu dabka ka socday, kuwaasi oo markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan.

QODOBADA WAX LAGA BEDELAYO EE DASUURKA OO AY KA MID YIHIIN AWOODAHA MADAXWEYNAHA IYO RA’IISUL WASAARAHA

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Fed eraalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in qodobka awooda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha wax ka bedel lagu sameeyay.

Sidoo kale Mr Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa daaha ka rogay in wax ka bedelka Dastuur ka KMG ay ku sameynayaan aygacan ka siineyso Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Germany.

Isagoo sii watay hadalkiisa ayuu sheegay mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil in dhammaan maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Soomaaliland ay ka tala geliyeen wax ka bed elka Dastuurka isagoo qiray in Soomaaliland ay ku adkaatay balse dadka ka soo jeeda ay ka qeyb galin doonaan wadatashiyada la xiriira wax ka bedelka Dastuurka KMG sida uu hadalka u dhigay.

Daraad ayey ahayd markii guddiga dib eegista Dastuurka KMG ah markii ay warbixin ka siiy een howlahooda Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xigasho:shabeelle.com

WASIIRKA HOWLAHA GUUD OO SHEEGAY IN XARUMO WAXBARASHO LOO DHISI DOONO DADKA AAN LIXAADOODA DHAMEYSTIRNEYN

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cis maan Muuse ayaa sheegay in dhismayaal waxbarasho ay u sameynayaan Ardeyda Araga la’ ee dug siga AlNuur, kuwaasi oo uu kulan kula qaatay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa maamulka iyo ardayda wax ka barata Iskuulka ardayda araga la’ ee AlNuur, isla markaana loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho si loo horumariyo waxbarashada dadka araga la’a

Maamule kuxigeenka Iskuulka AlNuur ayaa ka codsaday Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska in ay gacan ka geysato sidii looga heli lahaa dadka araga la’a goobo waxbarasho oo u gaar ah.

"Baahi weyn ayaan u qabnaa inaan helno xarumo tan ka balaaran oo wax lagu baro ardayda araga la’a, sababtoo ah waxaa jirta arday badan oo nala soo xiriirtay oo gobollada dalka ku sugan, kuwaasi oo u baahan inaan u helno goobo wax lagu baro”ayuu yiri maamulka kuxigeenka iskuulka.

Agaasimaha arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xuk uumadda Soomaaliya Maryan Aadan Amiin ayaa tilshalayy in ay gacan ka geysan doonaan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan, isla markaana loo horumarin lahaa aqontooda.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii dadka araga la’ loogu dhi si lahaa xarumo waxbarasho oo ay wax ku bartaan.

"Waxaan u howlgalayaa in baahida aad tabaneysaan inaan wax ka qabano, dowladda ayay mas’uuliyad ka saarantahay dhismaha xarumo wax lagu baro dadka arag la’, marka aniga ka Was aarad ahaan gacan ayaan ka geysanayaa arrinta Insha Allah” ayuu yiri Eng, Saalax.

WARARKII UGU DAMBEEYAY OLOLAHA DOORASHADA MADAXTINIMADA DALKA UGANDA

Dadweynaha reer Uganda ayaa maalinta Khamiista ee soo socota u dareeri doona doorasha da Madaxweynaha, iyadoo illaa sideed musharax ah ay ku loolamayaan tartanka Madaxtinimada dalk aas.

Musharaxiinta ayaa shalay soo gaba gabeynaya ololahooda iyo isu soo baxyada ay taageera yaashooda kula hadlayaan fagaarayaal ku yaalla Caasimada Kampala iyo magaalooyinka kale.

Saddexda Musharax ee ugu xoogan xilka Madaxweynaha ayaa shalay dhigay ololahooda do orasho ugu weynaa, waxaana musharaxiintaas oo kala ah Yoweri Museveni, Kizza Besigye iyo Am ama Mbabazi.

Kizza Besigye oo hogaaminaya Xisbiga FDC ayaa daraad saacado ay xireen Booliska Uganda, kadib markii Booliska ay ku eedeeyeen inuu amar diido sameeyay, isla markaana wado la xiray uu soo maray

Sidoo kale Musharaxa kale Amama Mbabazi oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Uganda ee xilka laga qaaday sanadkii 2014 ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha talada haya Museveni inuu qal qal wado, isla markaana uu tacadi badan geysanayo.

Musharaxiinta ayaa wadooyinka marayay, iyagoo saarnaa gawaari dusha ka furan, waxaana ay u gacan haatinayeen taageerayaashooda

Madaxweynaha talada haya Yoweri Museveni oo soo xukumayay dalka Uganda tan iyo sanad kii 1986, xilligaasoo uu afgambi kula wareegay dalka, ayaa doonayaa inuu shan sano oo dheeraad ah xilka sii haayo, isagoo noqon doona Hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa Afrika

Dadka odorasa siyaasada Uganda ayaa aaminsan inay u badan tahay in Yoweri Museveni ku guuleysan doono tartanka doorashada Madaxweynaha.

MAREYKANKA OO BEENIYAY IN DIYAARAD DRONE AH UGA DHACDAY KOOFURTA SOOMAALIYA

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagonka ayaa beenisay wararka sheegaya in di yaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ku dhacday Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab ay daraad gelinkii dambe sheegatay inay gacanta ku heyso diyaaradaas.

Saraakiil ka tirsan Pentagonka Mareykanka ayaa oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aanay jir in diyaarad ku dhacday Soomaaliya oo gacanta u gashay AlShabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhamaan diyaaradaha Saldhiga Mareykanka AFRICOM la tiriyay, ay na jirin wax tilmaamaya diyaaradda AlShabaab sheegeyso inay tahay mid uu Mareykanka leeyahay.

Baraha Internetka ee AlShabaab taageera ayaa lagu sheegay in diyaarad Drones ah oo xam baarsaneyd lix gantaal ay ku dhacday deegaan buuraley ah oo 70KM u jirta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka leeyahay ayaa horay weeraro ka dhan ah Saraakiisha AlShabaab ka fuliyay Koofurta Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO U AMBABAXAY MAGAALADA ADDIS ABABA

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu martiqaad ka helay dowladda Itoobiya.C/wali Gaas ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Garowe Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, isagoo mar uu wariyeyaasha la hadlayay sheegay in Itoobiya iyo Puntland uu ka dhaxeeyo xiriir dhanka iskaashi nabadgelyada iyo ganacsiga.

"haatan waxaa u ambababaxayaa magaalada Addis Ababa oo aan casuumad rasmi ah ka helay dowladda Itoobiya, waa ogtihiin Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo nab adgelyada, ganacsiga iyo la dagaalanka Argagixisada”ayuu yiri C/wali Gaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha Puntland ay la xiriirto arrinta ku aadan go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga ee lagu go’aamiyay nooca door asho ee dalka ka dhacaya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ku cadaadineyso inuu aqbalo go’ aankaas, inkastoo kulan dhowaan Garowe ka dhacay oo dhex maray Puntland iyo wafdi ka socday Beesha Caalamka uu natiijo la’aan ku dhamaaday.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa dhowaan sheegay in Puntland gorgortan ka galeyso aqbaalada doorashada dalka ka dhaceysa ee noqoneysa 4.5, isagoo ka dhawaajiyay suurta galnimada in Punt land ay qaadato go’aan ay gooni isaga taageyso Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay galaangal badan ku leedahay Maamul goboleedy ada, isla markaana mararka qaar dhacda in Madaxdooda ay ugu yeerto Addis Ababa.

FEYSAL CALI WARAABE: ” QARAXII DAALLO AIRLINE KAMA DAMBEYSO SOOMAALILAND”.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaradka UCID ee Soomaaliland Injineer Feysal Cali Waraabe oo u warramayay Shabelle ayaa beeniyay in maamulka Soomaaliland uu ku lug lahaa Qaraxii diyaaraddii Daalo Airline.

Feysal Cali Waraabe ayaa tibaaxay in ay suura gal tahay in muwaadin ka soo jeeda Soomaali land uu ka dambeyn karo falkaasi laakiin aan loo tirin Karin Xukuumadda Maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga MucaaradkaUCID ee maamulka Soomaaliland ayaa shee gay in aanu jirin shaqsiyaad matala maamulka Soomaliland ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daraad ayaa Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay kulan kii Baarlamaanka waxa ay sheegeen in Dasuurkuu uu sii ahaanayo Mid KMG ah illaa laga qeyb galiyo maamulka Soomaaliland.

WAKIILKA QM EE SOOMAALIYA OO GAARAY MAGAALADA CADAADO

Wakiilka QM ee Soomaaliya Micheal Kitting ayaa shalay gaaray Magaalada Cadaado oo Xar un KMG ah u ah Maamulka Galmudug,waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Micheal Kitting ayaa waxaa uu Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug kulan kula leeyahay Madaxda Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guul eed.

Ujeeddada socdaalka keating, ayaa la sheegay in ay tahay in maamulka Galmudug ay kala ha dlaan go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga ee dhowaan lagu soo gabobageeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin socdaalka wefdiga beesha caalamka uu shalay ku tagay maga alada Cadaado.

Ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Itoobiya, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa horay u tagay magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garo owe, si maamullada ka jiro magaalooyinkaas ay ugu qanciyaan go’aankii shirka madasha wadatagiga ka soo baxay.

Balse maamulka Puntland, ayaa ka biyo diiday in ay qaataan go’aankii ka soo baxay mada sha.

XOGHAYIHII HORE EE QARAMADA MIDOOBEY BOUTROSBOUTROS GHALI OO GEERIYOODAY

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey BoutrosBoutros Ghali oo u dhashay Masar ayaa geer iyooday, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Mr Boutros Ghali ayaa da’diisu aheyd 93 sano jir ah, waxaana uu ahaa ninkii u horeeyay ee Carab ah oo qabta xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxaa uu xilka qabtay sanadkii 1992, waxaana mudadii uu xafiiska joogay uu la kulmay culey syo xilligaas jiray, sida colaado sokeeye oo qaar ka mid ah dalalka Afrika ka socdeen iyo xiisadaha ka jiray Bariga Dhexe.

Eedeymaha dhif iyo naadirka loo soo jeedin jiray waxaa ka mid ahaa in uusan waxba ka qaban xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadkii 1994.

Intii uu xafiiska joogay ayaa waxaa Qaramada Midoobey ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 1993, xilligaasoo dalka dagaalo sokeeye ka jireen.

Boutros Ghali ayaa horay u soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Masar sanadkii 1977, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Anwar Sadat

Boutros Boutros Ghali

Xubnaha 15ka dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa hal daqiiqo u aamu say markii uu Madaxweynaha Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay geeridiisa.

Lama shaacin xanuunka uu u geeriyooday, hase ahaatee khamiistii la soo dhaafay Madaxwe ynaha Masar Abdelfatah Alsisi ayaa Taleefan kula hadlay, markii Isbitaal la dhigay.

MADAXWEYNIHII HORE EE MAREYKANKA GEORGE WALKER BUSH OO U OLOLEYNAYA WALAALKII JEB BUSH

Madaxwaynihii Hore ee Maraykanka, George W. Bush ayaa billaabay Olole uu ku Xoojinayo Walaalkiis ka yar Jeb Bush oo ah Murashax u taagan inuu u tartamo dhamaadka Sannadkan 2016ka doorashada madaxnimo ee Wadanka Mareykanka, isagoo ka socda Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka.

George W. Bush ayaa la kulmay dad caan ah, isagoo kasoo muuqday Dibadbax ka dhacay Koonfurta Magaalada Carolina daraad oo Isniin ahayd, ka hor doorashada isreebreebka ah ee dhaca ysa Sabtida soo socota.

Donald Trump oo ka mid ah Murashaxiinta ugu cadcad ee Xisbiga Jamhuuriga ayaa aad u weeraray siyaasadihii madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush.

Sidoo kale, Jeb Bush oo horay Guddoomiye uga soo Noqday Gobolka Florida ayaa Lacago ba dan u adeegsaday ololihiisa doorashada, laakiin wuxuu kala kulmay Guuldarro saamayn weyn ku yeelatay

Murashaxa Jeb Bush ayaa wuxuu sidoo kale ku rafaadsan yahay inuu soo qabto Murashaxa uu Tartanka adag kala dhexeeyo ee Donald Trump iyo Senetarka ka socda Gobolka Texas, Ted Cruz oo ku kala guulaystay tartamo isreebreeb ah oo ka kala dhacay Gobollada New Hampshire iyo Iowa.

Qoyska reer Bush oo caan ah dalka Mareykanka ayaa ka gaabsaday dadaalkii magacaabida Jeb Bush, wuxuuna ku adkaystay sanadkii hore ee 2015ka inuu u Tartamayo si shaqsi ah.

odobaadkii hore ayay Jeb Bush Hooyadii oo ah Xaaska Madaxweynihii hore ee Wadanka Mar eykanka, George Bush waxay Muujisay Taageerada ay u hayso Wiilkeeda Jeb Bush.

Dhanka kale, Sabtidii hore ayuu Jeb Bush Difaacay Madaxwaynanimadii George W. Bush, isa goo xusay inuu dhisay Hannaan Ammaan oo Nabadgalyada Maraykanka u Wanaagsan.

Ugu dambeyn, Trump oo ka hadlaya dood Telefashin ayaa weeraray Taariikhda George W. Bu sh, isagoo sheegay inuu ka been sheegay Sababtii loo Weeraray dalka Ciraaq, wuxuuna weerarkaas ku tilmaamay inuu horseeday Deggenaansho la’aanta ka taagan Bariga Dhexe.

IMAARAADKA CARABTA OO HAWEENEY U MAGACAABAY JAGO CUSUB

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Mak toum ayaa magacaabay Wasaarad ku cusub dowladaha caalamka, iyadoo iminka Golaha Wasiirada ay noqdeen 29-Wasaaradood.

Wasaaradda cusub ee Imaaraadka oo lagu magacaabo Wasaaradda Farxadda ayaa loo mag acaabay Haweeney da’ yar, isla markaana Ra’iisal Wasaaraha uu ku tilmaamay in Wasaaradaasi ay qaabilsan tahay farxadda iyo arrimaha bulshada.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Ohood Al Roumi ayaa lagu sheegay inay caawineyso arrimaha bulshada, iyadoona sheegtay inay si weyn ugu faraxsan tahay jagada loo magacaabay.

Dhinaca kale magacaabista Wasaaradda farxadda iyo arrimaha bulshada ayaa la doonayaa in dhallinyarada wadamada Carabta midowday ay kala shaqeyso isku xirka, farxadda iyo horumarinto oda.

BOGGA CAYAARAHA

 



KULAMADA LA CIYAARAY XALAY EE CHAMPIONS LEAGUE

Benfica 1 0 Zenit St. Petersburg

Paris Saint Germain 2 1 Chelsea

KULAMADA LA CIYAARI DOONO CAAWA EE CHAMPIONS LEAGUE

22:45 Gent ? ? Wolfsburg

22:45 Roma ? ? Real Madrid





OGEYSIISYO MUHIIM AH OO AY



KUU HEYSO HEY’ADDA {SHARDO}


ShabelleRelief and Development Organization (SHARDO)


OGEYSIIS

KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:


SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada, iyo mashaariic kala duwan.

Ururuka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan:-

1. Tailoring and tie and dye ( harqaan iyo naqshadeenta dharka)

2. Electric installation ( Koronta xirid)

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:

Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)

Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2 da xirfadood waxaa laga rabaa

·Waa in uu yahay Somali

·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir

·Waan in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood

·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhamey sashada xirfada uu soo codsaday

·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo

·Waan in uusan wax dambi ah ka galin bulshada

·Waa in uu layimadaa qof damiin ah

·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto

·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta

·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir

FIIRO GAAR AH:

Ø Barashada harqaanka iyo naqshadeenta dharka waxaa kaliya soo codsan karaa DUMARKA oo kaliya

Ø Barashada xirfada korontada waxaa soo codsan karaa Ragga oo keliya

Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.

Qofkii daneynaayo fursadahaas waa in uu layimaado 4 xabo oo sawir ah.

SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:

MACALINKA XIRFADAHA AYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAAA:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay ( SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay macalinimada muddo aan ka yareen 2 sano

·Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xarunta SHARDO ay ku taalo Degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.

Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 17 ilaa 25 February 2016. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran

061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993

ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

HAY'ADDA SHARDO WAXAA KA BANAAN FURSADO SHAQO KALA AH:

1.Project Manager (Madaxa Mashruuca)

2.Project Accountant ( Xisaabiyaha Mashruuca)

3.Project Mentor ( La taliyaha ardayda)

SKILL TRAINING

(a.)Electric Installation Trainer (Macalin Koronto)

(b.)Tailoring Trainer (Macalin Harqaan)

(c.)Tie & dye Trainer (Naqshadeynta Dharka)

SHURUUDAHA SHAQAALAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:

Codsadaha Shaqada aynu soo sheegnay waxaa laga doonayaaa:

·Waa in uu heesta aqoonsiga Cadeynaya aqoonta uu xirfadaan u leyahay ( SHAHAADO)

·Waa inuu qibrad dheer u leeyahay shaqada uu soo codsaday muddo aan ka yareen 3 sano

·Waa in uu la yimaado CV, Warqad codsi, Gal iyo 4 sawir oo testaro ah

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip