Madaxweynihii Hore ee MAREYKANKA George Walker Bush oo u Ololeynaya Walaalkii Jeb Bush

0
Tuesday February 16, 2016 - 20:03:36 in Wararka by
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore ee MAREYKANKA George Walker Bush oo u Ololeynaya Walaalkii Jeb Bush

    Madaxwaynihii Hore ee Maraykanka, George W. Bush ayaa billaabay Olole uu ku Xoojinayo Walaalkiis ka yar Jeb Bush oo ah Murashax u taagan inuuu tartamodhamaadka Sannadkan 2016-ka doorashada madaxnimo ee Wadanka Mareykanka, isagoo ka socda Xisbiga Jamh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynihii Hore ee Maraykanka, George W. Bush ayaa billaabay Olole uu ku Xoojinayo Walaalkiis ka yar Jeb Bush oo ah Murashax u taagan inuuu tartamodhamaadka Sannadkan 2016-ka doorashada madaxnimo ee Wadanka Mareykanka, isagoo ka socda Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka.
George W. Bush ayaa la kulmay dad caan ah, isagoo kasoo muuqday Dibad-bax ka dhacay Koonfurta Magaalada Carolina shalay oo Isniin ahayd, ka hor doorashada is-reeb-reebka ah ee dhacaysa Sabtida soo socota.

Donald Trump oo ka mid ah Murashaxiinta ugu cad-cad ee Xisbiga Jamhuuriga ayaa aad u weeraray siyaasadihii madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush.

Sidoo kale, Jeb Bush oo horay Guddoomiye uga soo Noqday Gobolka Florida ayaa Lacago badan u adeegsaday ololihiisa doorashada, laakiin wuxuu kala kulmay Guul-darro saamayn weyn ku yeelatay

Murashaxa Jeb Bush ayaa wuxuu sidoo kale ku rafaadsan yahay inuu soo qabto Murashaxa uu Tartanka adag kala dhexeeyo ee Donald Trump iyo Senetar-ka ka socda Gobolka Texas, Ted Cruz oo ku kala guulaystay tartamo is-reeb-reeb ah oo ka kala dhacay Gobollada New Hampshire iyo Iowa.

Qoyska reer Bush oo caan ah dalka Mareykanka ayaa ka gaabsaday dadaalkii magacaabida Jeb Bush, wuxuuna ku adkaystay sanadkii hore ee 2015-ka inuu u Tartamayo si shaqsi ah.

Todobaadkii hore ayay Jeb Bush Hooyadii oo ah Xaaska Madaxweynihii hore ee Wadanka Mareykanka, George Bush waxay Muujisay Taageerada ay u hayso Wiilkeeda Jeb Bush.

Dhanka kale, Sabtidii hore ayuu Jeb Bush Difaacay Madaxwaynanimadii George W. Bush, isagoo xusay inuu dhisay Hannaan Ammaan oo Nabad-galyada Maraykanka u Wanaagsan.

Ugu dambeyn, Trump oo ka hadlaya dood Telefashin ayaa weeraray Taariikhda George W. Bush, isagoo sheegay inuu ka been sheegay Sababtii loo Weeraray dalka Ciraaq, wuxuuna weerarkaas ku tilmaamay inuu horseeday Deggenaansho la’aanta ka taagan Bariga Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip